Saturday, July 26, 2014

Hudheel cusub oo laga furay Hargeysa


[caption id="attachment_91689" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Hudheelka cusub gudihiisa Muuqaalka Hudheelka cusub gudihiisa[/caption]Hargeysa(GNA)-Waxa xalay Magaalada Hargeysa laga furay Hudheel cusub oo magaciisa la yidhaahdo RAMAD, kaasoo uu yagleelay mawaadin reer Hargeysa ah.




Munaasibad balaadhan oo lagu furay hudheelkan ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka soo qayb-galeen siyaasiyiin, waxgarad, culimo awdiin iyo marti sharaf kale.




Hudheelkan ayaa isugu jira qaybaha kala duwan ee Cuntada iyo Hurdo, iyadoo Mulkilaha Hudheelkaasi sheegay inay muddo ku qaadatay hir-gelintiisu.




Maxamed Diiriye Cabdilaahi oo Mulkilaha Hudheelkan ayaa sheegay inay dadweynaha reer Somaliland u hayaan adeegyo kala duwan oo lagu majeeran doono Hudheelkan. “dadweynaha reer Somaliland waxaanu haynaa adeeg wanaagsan iyo soo dhaweyn qiimo badan”ayuu yidhi.




Waxa kale oo xafladaas ka hadlay Siyaasiga Aadan Cilmi Dhoola-yare oo hore xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuuamddii Rayaale, waxaanu si diiran u soo dhaweeyay Hudheelkan cusub oo uu sheegay inuu horumar iyo adeeg Ganacsi ku soo kordhin doono dalka.




Sheikh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah Culimada reer Hargeysa iyo dadka Indheer-garadka ah oo isaguna munaasibada ka hadlay, ayaa Ganacsadahan ku ammaanay dedaalka uu sameeyay iyo hindisaha Ganacsi ee uu yagleelay, isagoo ugu duceeyay inuu alle u barakeeyo, kana faa’ido.




Sheikh Cali Geedi, ayaa sidoo kale ku booriyay Ganacsadaha Hudheelka furay inuu xil iska saaro sidii uu dadka iyo dalkaba uga faa’idayn lahaa Ganacsigiisa, isagoo dhanka kalena mahad naq u jeediyay.




Xubno kale oo ka mid ah Marti sharafta Hudheelka ka soo qayb galay, ayaa ka dareen celiyay furitaanka Hudheelka, waxaanay ku tilmaameen mid wax ku soo kordhin doona dalka, gaar ahaan Caasimada Hargeysa ee uu ku yaallo.




Hudheelkan cusub ayaa qayb ka noqonaya goobaha Ganacsi ee ku soo kordhaya Magaalooyinka waaweyn ee dalka, taasoo muujinaysa horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka oo kobcaya marba marka ka dambeysa.




Khaalid Xamdi Maxamed




Gobanimonews Reporter




Hargeysa Office