Monday, July 28, 2014

Burco oo Dugsi Agoomuhu wax ku bartaan oo Xaqul-ciid la gaadhsiiyay


Burco(GNA)-Ardayda agoonta ah dhigata Dugsiga Agoomaha Caalin ee Magaalada Burco ayaa loogu deeqay dharkii ay ku ciidi lahayeen ciidal fidriga.




DSCF2221ardaydan oo isugu jira hablo iyo inamo oo tiradoodu dhantahay220 ayaa waxa deeqdan soo gaadhsiiyay C/kariin Maxamed Biixi oo ka mid ah Qurba jooga reer Somaliland  iyo HIBO Foundation oo ay wakiil ka tahay SAMO Foundation iyo xubno kale.




Ugu Horayn waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha dugsiga Agoomaha ee Caalin  Sheekh Faarax Siciid Cawed waxaanu yidhi''' Dugsigan waxaa uu bilaabmay 2007  waxaana aasasay shiikh la yidhaahdo Axmed Caalin Illaahay Caafimaad ha siiyo e ,markii hore waxaanu ku bilawnay xifdi Quraan markii danbena waxaa lagu daray qaybtii iskuulka waxaanu marayaa 1aad ilaa shanaad waxaana dhiga sideed macalin tirada guud ee dhigata waa 220 arday kuwaas oo ahh agoon marka laga reebo Tiro yar oo danyar ah,waxaana u mahadnaqayaa Ururka samo iyo C/kariin Maxamed Biixi oo ku hawlan Dugsigan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen




Jamaal Cilmi  oo ku hadlayay ururka SAMO Foundation,ayaa isna sheegay inay sii wadi doonaan caawimada iyo waxtarka ay siiyaan ardaydan agoonta ah




Axmed Cige oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in cid la caawiyo ay ugu wanaagsanatahay agoontu,isagoo xusay in waalidka agoontaas haya iyo macalimiinta wax bartaaba ay  u samraan maadaama aya ajar ka helayaan.




Ugu danbayantii waxaa isna dareenkiisa ka waramay mid ka mid ah ardaydii dharkaa ciida la gudoonsiiyay oo sheegay in uu ku faraxsanyahay isagoo dareen farxadeed ka muuqato una mahad naqay dadkii caawimadaas soo gaadhsiiyay.




 




Ardayda agoonta ah dhigata Dugsiga Agoomaha Caalin ee Magaalada Burco ayaa loogu deeqay dharkii ay ku ciidi lahayeen ciidal fidriga,ardaydan oo isugu jira hablo iyo inamo oo tiradoodu dhantahay220 ayaa waxa deeqdan soo gaadhsiiyay C/kariin Maxamed Biixi oo ka mid ah Qurba jooga reer Somaliland  iyo HIBO Foundation oo ay wakiil ka tahay SAMO Foundation iyo xubno kale.




Ugu Horayn waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha dugsiga Agoomaha ee Caalin  Sheekh Faarax Siciid Cawed waxaanu yidhi''' Dugsigan waxaa uu bilaabmay 2007  waxaana aasasay shiikh la yidhaahdo Axmed Caalin Illaahay Caafimaad ha siiyo e ,markii hore waxaanu ku bilawnay xifdi Quraan markii danbena waxaa lagu daray qaybtii iskuulka waxaanu marayaa 1aad ilaa shanaad waxaana dhiga sideed macalin tirada guud ee dhigata waa 220 arday kuwaas oo ahh agoon marka laga reebo Tiro yar oo danyar ah,waxaana u mahadnaqayaa Ururka samo iyo C/kariin Maxamed Biixi oo ku hawlan Dugsigan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen




Jamaal Cilmi  oo ku hadlayay ururka SAMO Foundation,ayaa isna sheegay inay sii wadi doonaan caawimada iyo waxtarka ay siiyaan ardaydan agoonta ah




Axmed Cige oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in cid la caawiyo ay ugu wanaagsanatahay agoontu,isagoo xusay in waalidka agoontaas haya iyo macalimiinta wax bartaaba ay  u samraan maadaama aya ajar ka helayaan.




Ugu danbayantii waxaa isna dareenkiisa ka waramay mid ka mid ah ardaydii dharkaa ciida la gudoonsiiyay oo sheegay in uu ku faraxsanyahay isagoo dareen farxadeed ka muuqato una mahad naqay dadkii caawimadaas soo gaadhsiiyay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: axmedmm9@hotmail.com