Sunday, July 27, 2014

Shirkadda Telesom oo Xaqul-ciid ah ku caawisay Haween Dhimirka wax ka qaba


 



telsom3



Hargeysa(GNA)-Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa maanta deeq dharka ciidada ah iyo hadyado kale isugu jiraa ugu deeqday dumarka ku jira Xarunta Jimciyadda Macruuf ee ku taala Bari magaalada Hargeysa.




Deeqdan shirkadda Telesom ugu deeqday Dumarka Dhimirka wax ka qaba ayaa ka koobnay Sadad dhar ah, Kabo, caddaro, Kiriimo, Shaambooyo iyo agab kale oo kala duwan.




Xafladan Shirkadda Telesom ku wareejinay deeqdan waxaa ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Jimciyadda Macruuf Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Xasan waxaanu ka warbixiyey xaalada guud ee xarunta ay ku xanaaneeyaan dumarka dhimirka qaba waxaanu sheegay in ay




qaybta dumarka bilaabeen 2012 ka dib markii ay sameeyaan daraasaad ku saabsan xaalada Dumarka Dhimirka qaba, waxaanu xusay in daraasadaasi ay kaga soo baxday wax aanay filaynin oo fajiciso ku noqotay.  Waxyaalihii u soo baxay waxaa ka mid ahaa dumarka xanuunsanaya ee magaalada Hargeysa oo uu sheegay in ay aad iyo aad uga badan yihiin intii ay filaayeen.




Gudoomiye Ku-xigeenka Jimciyadda Macruuf Sheekh Cabdiraxmaan ayaa intaasi ka dib uga mahadnaqnay shirkadda Telesom deeqdan ay u fidisay dumarka qaba dhimirka waxaanu yidhi, “Waxaanu mahadnaq weyn usoo jeedinaynaa shirkadda Telesom oo inoo sidda hadyad ay ugu talo galeen qaybta dumarka inay ku caawiyaan munaasibadda ciiddal fidriga, hadyadaasi oo ah dharkii ciidda oo ay doonayaan in ay kala qayb-qaataan farxadda ciidda iyo munaasibadda ciidda fidriga inay kala qayb-qaataan walaalahood. Horta taas Telesom waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin Ilaahayna miisaanka xasanaadka ha idiinku daro”.  telesom




Gudoomiye ku-xigeenka Jimciyadda Macruuf Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Xasan ayaa dawladda iyo dadweynaha u soo jeediyey codsi uu kaga dalbanaayo in ay wax lagala qabto baahiyaha adeegyadda caafimaad ee ay u qabtaan dumarka dhimirka wax ka qaba.




 



telsom11



Madax Laanta Suuq-gaytna ee Shirkadda Telesom Cabdiraxmaan Aadan Ismaacil (Aar) oo ku hadlaayey afka Shirkadda Telesom ayaa uga mahadnaqay Jimciyadda Macruuf hawsha weyn ee ay u hayso bulshadda gaar ahaana dumarka qaba xanuunka Dhimirka, xanuunkaasi oo uu ku tilmaamay in uu mudooyinkan dambe si weyn ugu soo batay bulshadeena gaar ahaana dumarka iyo caruuta. 




"Shirkan ahaan waxaanu runtii inta badan isku daynaa in aanu bulshaddayadda kala qayb-qaadano baahiyaha kala duwan ee ay runtii leeyihiin. Maanta farxad gaar ah ayey noo tahay in aan runtii xaruntan Macruuf gaar ahaan qaybta dumarka ee dhimirka runtii aanu ka gaysano gacan maalmahan khayrka leh oo aanu runtii kala qayb-qaadano farxadaha ciida. Aad iyo aad bay u fursadaasi sharaf gaar ah noogu samaynaysa." Sidaasi waxaa yidhi madaxa Laanta Suuq-gaynta Shirkadda Telesom Cabdiraxmaan Aadan Ismaacil Aar.




Ugu dambayntii Ayaan Xaamud oo ka tiran Laamta Daryeelka Maaciisha ayaa gudoonsiiyey hadyaddii shirkadda Telesom ugu talo-gashay Dumarka Dhimirka Wax ka qaba Gudoomiye ku-xigeenka Jimciyadda Macruuf Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Xasan. Halkaasi oo ay gudoomiye ku-xigeenka uga waran tahay waxyaabaha ay ka kooban tahay hadyaddan Telesom ugu talo-gashay dumarka Dhimirka wax ka qaba.telesm2




Waxaanu halkaasi kaga gudoomey Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Hadyaddaasi waxaanu mahadnaqa u jeediyey shirkadda Telesom.