Wednesday, July 30, 2014

Somaliland: Wargeys kale oo Xafiiskiisa la weeraray


[caption id="attachment_91968" align="alignleft" width="300"]Magaca Wargeyska la weeraray Magaca Wargeyska la weeraray[/caption]Hargeysa(GNA):- Koox hubeysan ayaa caawa soo weerartay Xarunta Wargeyska Ogaal ee Magaalada Hargeysa.isla markaana khasaare gaadhsiiyay qaar ka mida qalabka Wargeyska.




Waxaanay la dagaalameen qaar ka mida weriyaasha Wargeyska Ogaal oo wakhtigas halkaasi ku sugnaa, sida ay goob-joogeyaal xaqiijiyeen.




Mid ka mid ah Warfiyeenada ka hawl-gala Wargeyskaas ayaa caddeeyay inay rag tiraddoodu laba nin ahayd ay weerarreen wargeyska.




Lama garanayo sababta ka danbeysay weerarkoodan, iyo waxa ay doonayeenba,hasa yeeshe waxay u muuqdeen rag abaabul oo ay ciddi soo adeegsatay,Saleebaan Maxamed Saleebaan oo ka mid ah kooxdan soo weerartay Wargeyska Ogaal ayaa waxa uu ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin “Waa kuma Tifaftiraha Wargeyska Ogaal, bal car noo sheega?”




Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi  “Bal Car wakaase wax ka qora dawlada. Car wakaase wax qora Xirsi iyo ereyo kale oo ay isku dhadhan ahaayeen kuwaas”




Kooxdan ayaa waxay galalafeen xarunta Wargeyska Ogaal, waxaanay isku dayeen inay la dagaalamaan Weriyayaashi madasha ku sugnaa, halka Tifaftiraha Wargeyska Ogaal Cabdifataax Ismaaciil Caarshe ay u hanjabeen, iyaga oo ku lahaa “Car wakaase dawlada wax a qor ILAAHAY ayaa nin ka dhigaye iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen hadaad laba lugood oo danbe is-daba dhigto….”.sidaasi waxa kale  oo sheegay Ogaal.




Xasan Fool oo isna ka mid ahaa raga soo weeraray Wargeyska Ogaal ayaa waxa uu yidhi “Meeyey Muuse Faarax Jaambiir,isna mee Cabdi-weli Faarax Jaambiir,”.




Kooxdan oo qaar Wargeyska soo galeen, halka qaar kalena dibada ku sugayeen, siday sheegeen Weriyayaashi ku sugnaa xarunta Wargeyska Ogaal mid ka mida raggani waxa uu sitay bastoolad.




Dhinaca kale, mid raga  xafiiska Wargeyska soo galay oo lagu magacaabo Xasan Fool waxa u hogaamiye u ahaa koox sidan oo kale u soo weerartay Xafiiska Ogaal 2009-kii,xiligaas oo rag xukuumaddii wakhtigaas jirtay ka tirsanaa ay soo abaabuleen weerarkaa.




Dhacdadani, waa markii labaad ee la soo weeraro Wargeyska Ogaal. Dhinaca kale, waxay dhacdadan oo kale ay hore ugu dhacday Wargeyska weli xayiran ee Hubaal.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com