Sunday, July 27, 2014

Gabadh Qurbo-joog ah oo Xaqul-ciid u qaybisay 100 Qoys oo Hargeysa degen.daawo


 



khadr2Hargeysa(GNA)-Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida Qurbe-jooga reer Somaliland ee dalka Dalka Gadar ayaa maanta Magaalada Hargeysa ugu qaybisay Boqol Qoys oo Agoomo ah deeq lacag ah oo ay ugu talo-gashay inay ku ciidaan.



Xafladan ay Marwo Khadra Cumar Qardhaas Lacagta ku gudoonsiinaysay ayaa waxa kazoo qayb-galay Isku duwaha gobolka eeWasaarada Diinta iyo Aw-qaafta , Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Ururka Samalka Ee Tabantaabo Marwo Aamina Casayr , GudoomiyahaGuud ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani ee Wadamada Scandanevian-ka Mr.Maxamed Cabdi Jaamac (Xidig Cabdiyare)




Waxa ugu horeyn hadalo kooban madasha kazoo jeediyey Aqoonyahan Siciid Cabdi Jaamac oo ku hadlaayey afka Ururka Tabantaabo oo ay Marwo Khadra Cumar Qardhaas ay deeqaha ugu soo hagaajiso dadka baahan ee ay caawiso isagoo isla markaana guudmaray tabantaabinta badan ee Marwo Khadra CumarQardhaas usoo gaysato iyo sidoo kale dadaalka ay ugu jirto inay dadkeeda baahan waxtarto isagoo isla markaasna xusay in aanay kaliya ku koobnayn waxtarka dadka baahan ee Marwo Khardi ufidisaa xafladan iyo deeqdan xaqal-ciidka ah ee ay manta gudoonsiinayso balse ay jiraan qoysas Agoomo iyo danyar isagu jira oo tirobadanoo ay Marwo Khadra Cumar Qardhaas sijoogto ah bilwalba usoo biiliso isla markaana ay usoo dirto lacag mugle oo ay ku intifaacaan.khadra3




 



Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Iskuduwaha gobolka ee Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta , Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Ururka Samalka Ee Tabantaabo Marwo Aamina Casayr , Gudoomiyaha Guud ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani ee Wadamada Scandanevian-ka Mr.Maxamed Cabdi Jaamac (Xidig Cabdiyare) oo dhamaantood Marwo Khadra Cumar Qardhaas ku hambaleeyey sida wanaagsan ee ay dadkeeda jilicsan ugarabtaagan tahay iyagoo isla markaana ilaahay u waydiiyey inuu ka abaalmariyo khayrkaa mugaleh ee ay kuhawlan tahay




Waxa Iyana gabagabadii xafladan hadalo kazoo jeedisay Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka warantay sida ay usoo ururiso deeqaha ay dadka danyarta ah soo gaadhsiiso iyo sidoo kale ilaa mudadii ay hawlahan ku hawlanayd iyo sidoo kale inay u dhabar adaygidoonto sidii ay dadkeeda jilicsan u gargaarilahayd




Dhinaca kale Marwo Khadra Cumar Qardhaas iyo Ururka Tabantaabo oo iskaa shanaaya ayaa Ururada Siig iyo Sooryo ku wareejieyey deeq lacag ah oo loogu talo galay in la gaadhsiiyo qoysas Agoomo iyo Danyar isagu jira oo jooga deeganadaay ka hawl-galaan ururadani.khadra khadra4




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com