Thursday, July 31, 2014

Somalia:- Haweenay Loo Dilay Xidhashada Xijaabka oo Ay Diiday


Wararka ka imaanaya Jubada Hoose ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay gabadh




ku dileen Tuulo lagu magacaabo Baqdaad oo ka tirsan degmada Hoosingow ee




Gobolka Jubada Hoose, kadib markii ay diiday inay Xijaab xidhato.




 




Sida wararka ay sheegayaan haweeneydan oo magaceeda lagu soo gaabiyay




Farxiyo ayaa saaka aroortii lagu dilay gurigeeda hortiisa, markii labo




ruux ay u yimaadeen, iyadoo banaanka fadhisay ay u sheegeen inay xijaab




xidhato, markii ay ka dhega adeegtay ay karbaasheen, kadibna madaxa ka toogteen




 




Mid ka mid ah ehelada gabadha oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee




BBC-da ayaa sheegay in sababta loo dilay gabadha ay aheyd inay xidhato




xijaabka.




 




Saaka hal saac iyo badh ayaa gabadha Farxiyo oo gurigeeda hortiisa




fadhiday waxaa u yimid niman dhalinyaro ah, waxay ku dhaheen xijaab




xidho, waa yahay ayay dhahday, markii ay ku soo noqdeen ayay ul ku




bilaabeen usha ayay iska qabatay, kadib labo xabad ayay madaxa kaga




dhufteen ayuu yifhi ninka ehelada la ahaa gabadha la dilay oo magaciisa




sababo amni u qariyay.




 




Waxaa uu sheegay in mar dambe lagu soo wargeliyay in raggii sidan




sameeyay iyagoo indhaha ka xidhan gaadhi lagu Qaaday, sida dadka deegaanka ay u sheegeen.




 




Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhacdooyinkan ay yihiin nooc cusub, hase




ahaatee handadaada iyo indha gaduudis lagu hayay shacabka uu ahaa mid




horay u jiray.




 




Al-Shabaab ayaa iska fogeysay inay wax lug ah ku laheyd dilkan, waxaana




ay sheegeen in deegaanka uu falka dilka ka dhacay aanay ciidankooda ka




talin.




 




Si kastaba ha ahaatee waa markii u horeeysay ee la sheego haweeney




diiday xidhashada Xijaabka oo la dilo, iyadoo Al-Shabaab horay deegaanada




ay ka taliso ugu soo rogtay in haweenka ay qaataan xijaabka oo ay is asturaan.