Sunday, July 27, 2014

Garaad Saleeban oo dhabarka ka toogtay Somaliland, kana degay Garoowe


Xukuumadda Siilaanyo oo dhawaan Hargeysa uga dirtay Gaadhi Qaali ah iyo dareenka uu bixiyay markii Garoowe lagu soo dhaweeyay kaddib..




garad iyo gas Garoowe(GNA)-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.




Garaad Saleban Maxamed ayaa ka mid ahaa Madaxdhaqameedyada Gobolka, waxaanu dhawaan degmada Xudun ku soo dhaweeyay wefti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayay  Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.




Weftigaasi iyo Garaad Saleban oo uu weheliyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bariga Fu’aad Aadan Cadde oo ay isku deegaan ka soo jeeddaan Garaadka ayaa kulan maalamo maalin qaatay halkaasi kula yeeshay Garaad Saleebaan iyo waxgaradka kale ee deegaankiisa.




Sida laga soo sheegay kulamadaasi oo dhacay Bishii June, waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen sidii uu Garaadku u taageeri lahaa Somaliland, isla markaana uga qayb qaadan lahaa qorshaha maamul daadejinta ee Gobolka Sool.




Xidhiidhka u dhexeeyay Garaadka iyo Xukuumadda, waxa kale oo ka mid ahaa Gaadiid Hargeysa looga diray oo Sooryo loo siiyay iyo wada hadalo hore u dhex maray, waxaana gaadhi Xukuumaddu siisay loogu sii dhiibay wefti uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo muddo ka hor xukuumaddu soo dhaweysay.




si kastaba wax ha u jireene, Garaad Saleebaan iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Garoowe, halkaasoo uu soo dhaweyn kaddib uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.




 ‘’Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’Sidaasi waxaa yidhi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed .




‘’Diyaarad Koonfur katimi oo iska Guuxaysa oo gudaysa baa dadkii bur burisay  si loo qabtaa lagaran waayay waxbaa lagu qafilay Mushaakil badan ayaa jira ‘’Ayuu hadalkiisa raaciyay Garaad.gas iyo garad




Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada la ogayn mawqifkeeda ku aadan talaabadan uu ku  badhi-furay Garaadku heshiiskii uu kula jiray, taasoo xagal daac iyo fashil ku noqonaysa Yoolkii ay ka lahayd Xukuumaddu.




Madaxweyneha Puntland oo Garaadka soo dhaweyntiisa madaxtooyada ka hadlay ayaa sheegay inay guul weyn u tahay Maamulka Puntland mideynta Bulshooyinka reer Puntland.




Puntland iyo Somaliland ayaa waxa ka dhexeeya Xilfatan dhanka Bulshada ah oo ka taagnaa muddo dheer Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.




 



Garad maaxamed



Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com