Monday, July 28, 2014

Diego Costa + Febrigas Iyo Xidigaha Ku Cusub Naadiga Oo Shiday Chelsea Guulna U Horseeday


chelsea new playersGoolal laba ah oo ay u kala dhaliyeen xidigaha Diego Costa iyo Kurt Zouma ayaa u cadeeyey in Chelsea ay ka daba timaado oo kaga guulaysto naadiga Olimpija Ljubljana 2-1 kadib markii qaybtii hore la baaba’saday.




tababare Jose Mourinho ayaa ahayd ta itaalka daran ee hogaaminta ciyaarta lagaga horeeyey kadib markii qaybtii hore ee ciyaarta uu laacibka Nik Kapun uu hogaanka ugu dhiibay naadiga reer Slovenia 1-0. Laakiin qaybtii dambe goolasha ay kala dhaliyeen Costa iyo Zouma ayaa ka dhigay naadiga the Blues inay ka daba timaado oo hogaankana u qabato wixii intaa ka dambeeyeyna ciyaarta u maamushaan siday doonaan.




Ivanovic ayaa ku sigtay inuu saddexeeyo, goolkiina shabaqa ku ruxay laakiingarsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay ayaa kubadaas ka saaray oo ku tilmaamay khalad.




Jose Mourinho ayaa soo xulay xul aad u adag isagoo ka duulaya kulankii saaxiibtinimo ee uu todobaadkii hore dhexdiisii barbar dhaca la gallay kooxda RZ Pellets, waxaanu ku guulaystay inuu qaybtii dambe ee ciyaarta soo galliyo xidigaha ku cusub kooxda oo shiday , kubadii Chelseana ka dhigay mid aad u qurux badan