Tuesday, July 29, 2014

Al-Shabaab oo ku hanjabay inay beegsan doonto diyaaradaha sahayda iyo saanada u daabula AMISOM


Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerari doonaan diyaaradaha sahayda
iyo saanada u daabula Ciidamada AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah
gobolada dalka, halkaasoo ay ku go’doonsan yihiin.




Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo shalay salaadii ciida kadib meel
fagaare kula hadlay kumanaan ruux degmada Baraawe ayaa sheegay in
ciidamada AMISOM ay ku jiraan xaalad aad u liidata, isla markaana ay ku
go’doomiyeen meelihii ay qabsadeen.




“Waxay ka soo bixi la’yihiin dhufeysyadooda, waa go’doonsan yihiin,
baaba’ooda ayay ku jiraan, kaliya waxaa diyaarad helicopter maalin walba
ay u geystaa saanad iyo sahay, kuwaas waa la soo ridi doonaa”ayuu yiri
Cali Dheere.




Cali Dheere ayaa sheegay in dhowaan diyaarad ku soo rideen Galgaduud,
isla markaana qorshahooda yahay inay beegsadaan kuwa kale ee saanada u sida.




Sidoo kale waxaa uu sheegay in sii wadi doonaan weerarada ay ka
geysanayaan Muqdisho, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin in naftooda
huraan mujaahidiinta.




“Hadii Nambar afar iyo Madaxtooyada xidhaan ama Air Porka, mana hor
istaagi doontaan, anagu boqol kiiba boqol baan isku kalsoonahay, banaanka u
soo baxa oo arka kii hor dhiman doona”ayuu yiri Cali Dheere.




Al-Shabaab ayaa bishii Ramadaan weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal ka
geystay magaalada Muqdisho, iyadoo bishii Ramadaan ee tagtay ay aheyd
bishii ugu amni xumada badneyd Caasimada Soomaaliya, dadkana ay wal wal
iyo cabsi ku afuri jireen.




 




Gobanimo News Agency




Muqdisho office