Monday, July 28, 2014

Caalamka Islaamka oo Beri laga Ciiddayo


[caption id="attachment_91787" align="alignleft" width="400"]Dadweynaha reer Hargeysa oo ciida isu diyaariyay Dadweynaha reer Hargeysa oo ciida isu diyaariyay[/caption]Hargeysa(GNA)-Dunida Islaamka waxa Maalinta berri looga dabaal-degaya Ciida ugu weyn Ciidaha Islaamka ee Ciidal Fidriga.




inta badan dalalka Islaamka ayaa Iclaamiyay Ciidan.




Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa shaacisay inay Maalinta Berri ciid tahay, si la mid ah Dalalka Islaamka.




29 Maalmood oo ay soo soomanaayeen Muslimiinta Adduunka, waxa Beri u bilaamaya saddex maalmood oo dabaal degyo iyo farxad ah.




Ciiddan ayaa Umadaha islaamka ugu soo gashay xilli duruufo adag aadaminimo ka taaganyihiin Dhulka Falastiin iyo Dalka Pakistan.




20-kii Maalmood ee u dambeeyay Bisha Ramadaan ayaa waxa Marinka Gaza qudha looga jaray in ka badan 1100 Qof oo Muslimiin Falastiinyiin ah.




Muslimiinta adduunka oo dhan ayaa si weyn uga cadhaysan Xasuuqa loo geystay Bisha ramadaan Dadka reer Falastiin.




Dhulka Soomaalida ayaa sanadkan si weyn oo ka yihdidiilo wanaagsan sanadihii hore loogu diyaar-garoobay Ciida, wallow ay jiraan Gobollo badan oo wali abbaar iyo amni daro ka taagantahay.




Somaliland ka mid ah meelaha ugu nabdoon geeska afrika ayaa lagu soo gaadhay ciida nabad-gelyo taam ah iyo nin iyo duruuftii.




Inkasta oo dadka boqolkiiba sagaashan qoysaska ku nool Caasimada hargeysa dhaqaale ahaan ay u saamaxday inay Carruurtooda ka farxiyaan Ciida oo ay Hu cusub u iibiyaan, hadana waxa jira Boqolaal kale oo aan sababo dhaqaale awgood si weyn looga dareemayn farxada ciida.




“waxaannu nahay Qoys 14 qof ka kooban oo aan qof shaqeeyaa ku jirin, markaa walaahi Illaahay ayuunbaanu sugaynaa, cid wax na tartan maanu arag”sidaasi waxa tidhi Haweenay ka mid ah boqolaal qoys oo degen Xaafadda isku raranta ah ee State house-ka, taasoo u warantay Ideecada VOA-da.




Magaalada hargeysa ayaa caawa dadku isu hambalyaynayaan, isla markaana farxad iyo jawi ka duwan Habeenadii Ramadaanta lagu soo jiray laga dareemayaa.




hase ahaatee nasiib daro waxaan shaqaynayn oo mashquul galay Isgaadhsiinta oo aan haba yaraatee wax isgelayaa jirin.




"waxaan isticmaalayaa Telefoonka Gacanta ee Shirkadda Telesom, ilaa caawa markaan afuray cid lamaan hadlin, dhamaan muraadyadii igaga xidhnaa Telefoonku way xanibanyihiin"sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Dadweynaha reer Hargeysa.




Si kastaba ha ahaatee bahda Gobanimonews annagoo isku duuban waxaanu idin leenahay Ciid Mobaarik “ KULI CAAM WA ANTUM BIL KHAYR”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com