Saturday, July 26, 2014

Kenya oo $829 Bilyan oo Dollar ka soo Amaahatay Shiinaha


[caption id="attachment_91677" align="alignleft" width="300"]Madaxweyne kenya iyo RW Shiinaha oo kulmay Madaxweyne kenya iyo RW Shiinaha oo kulmay[/caption]Nairobi(GNA)-Dowlada dalka kenya ayaa kasoo amaahatey lacago badan dalka chine sanadihii u dambeeyay,  sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda maaliyaddu.




Xoghayaa joogtada ah ee wasarada maaliyada kenya kamaan thuugga ayaa sheegay inay dowlada kenya ilaa sanadkii 2008 dalka Shiinaha kasoo amaahatey lacago dhan 829 Bilyan oo dollor taas oo lagu fuliyeey mashaaric horumarineed oo laga fuliyeey gobolada dalka Kenya.




 waxa kale oo uu xogahayuhu sheegey in dowlada kenya iyo Shiinaha kala saxeexdeen dhismaha wadada tareenka oo ku bixi doonto lacag dhan 309 bilyan oo dollar.




Mudooyinkii u danbe ayaa waxa soo fiicnaanaya xidhiidhka dowlada kenya iyo Shiinaha u dhexeeya, iyadoo Reysal-wasaaraha Shiinuhu dhawaan booqasho ku yimi dalka Kenya, isla markaana ay madaxweynaha dalkaasi kala saxeexdeen Heshiisyo ku tacaluqa Mashaariic faro badan oo Shiinuhu ka fulinayo Kenya.




 Cabdiraxmaan buurdhaab




Gobanimonews




 Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com