Sunday, July 27, 2014

Roob Maansheeyey Hargeysa Oo Dariiqyadda Qashin Tuulay Iyo Doorkii Dawladda Hoose Oo Aan Muuqan


 




Roob Maansheeyey  Hargeysa Oo Dariiqyadda Qashin Tuulay Iyo Doorkii Dawladda Hoose Oo Aan Muuqan




roobRoob(Gobanimonews)26-7-2014-  lagu diirsaday oo shalay gelinkii dambe  ka curtay magaalo madaxda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa Wadooyinka faras magaalaha ah ee Hargeysa buux dhaafiyey Qashin Baco,Hadhaaga Jaadka iyo Waxyaabo kale oo badani  ka mid yihiin,taasi oo wadooyinka jidka wadnaha ee magaaladda qaarkood biyahu  kaga tageen khashin tiro badan oo bilicdii iyo fayo dhawrkii Caasimadda hargeysa si weyn u waxyeeleeyey isla markaana ay ka dhalan karto hadii ana wax laga qaban xaalad Caafimaad daro oo halis ku keeni kara dadweynaha Caasimadda iyo hareeraheeda ku dhaqan.




Wariye ka ka tirsan Wargeyska Madaxa banaan ee Saxansaxo,ayaa shalay afurkii salaada makhrib socdaal ku soo maray jidadka hal bawlaha ee Caasimadda hargeysa halkaasi oo uu ku soo arkey Qashin buux dhaafiyey waddooyinka  magaalada gaar ahaan jidka wadnaha ee isku xidha Madaxtooyadda Somaliland ilaa dawladda hoose ee caasimadda hargeysa oo uu sababay roob lagu diirsaday Biyahii Laamiga rog maday  oo ay  dibada u soo saareen Qashin ay ka mid yihiin,Baco dug ah,Caagadaha Biyaha ee la isticimaalay iyo sharaab laga cabay,garaabadda  Qaadka iyo Cuntooyinka la isticimaalay, waxyaabahaasi oo dadweynaha caasimadda ku dhaqan Caafimaad daro iyo fayo dhar xumo u keeni kara.




Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa oo iyadu ah ta ka masuulka ah Bilicda iyo fayo dhawrka Caasimadda Somaliland ee hargeysa oo laf dhabar u ah dalka isla markaana  halka laga dheehan karo Qaranka Jamhuuriaydda Somaliland oo ay ku dhaqan yihin 1 Milyan dad ka badan bulshadda dalka,ayaa ay dawladda hoose ee Caasimaddu u muuqata mid gabtay doorkii ay dawladda hoose ka qaadan lahayd ilaanta Bilicda Caasimadda iyo fayo dharkeeda gaar ahaan xili roobaadka ay raxmada Eebe Caasimadda hargeysa ka curato oo hadii aan waddooyinka iyo goobaha faras magaalaha ah dawladda hoose ee Caasimaddu ka  nadiifin waxyaabaha qashinka ah ee hadhaaga cuntada ,bacaha ,garaabada Qaadka iyo waxyaabo kale oo badan oo wadooyinka ku daadsan aan laga gurin Xanuuno halis oo Caafimaadka dadka caasimadda ku dhaqan dhibaato ku keeni kara.




Si kastaba ha ahaatee cida ay masuuliyadda ka saaran tahay ururinta Qashinka Xaafaddaha magaaladda hargeysa  iyo waddada hareeraheeda buux dhaafiyey iyo waliba ilaanta nadaafadda iyo fayo dhawrka Caasimaddu waxa weeye dawladda hoose ee Caasimadda hargeysa oo ay uga wakiil yihiin shirkaddo dhawr ah oo Qashin ururinta magaaladda iyagu ruqsad uga haysta dawladda hoose oo ay Kooto ku siisay inay ka hawlgalaan Suuqyadda iyo Xaafadda ay ka kooban tahay degmooyinka Hargeysi si uga gutaan waajib kooda qashin ururinta ee ay u xilsaaran yihiin,si hawlaha shaqin ururinta iyo fayo dhawrka Caasimaddu uu u noqdo mid midho dhal ah oo nadiif ah sida caasimadda kale ee aduunka iyo waddamada jaarka ah waxa haboon inay dawladda hoose xil iska saarto ilaalinta nadaafadda Caasimadda hargeysa isla markaana ay ku daba gasho shirkadda qashin ururinta ee ay Kootadda ugu xidhay inay iyaga oo kaliyi qashinka ka guraan Caasimadda hargeysa.




Sources by Saxansaxo




Wariye Mr Hudle




Gobanimonewsmedia@gmail.com




Hargeysa Office/Somaliland