
Burco(GNA)-Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Tartan xifdiga Axaadiista ah ayaa Magaalada Burco loogu qabtay arday aad u da’yar oo uu ugu waynayahay (Laba iyo toban jir).
tartankan lagu qabtay Magaalada Burco ayaa waxa iska kaashaday Mu’asasada Alkaram ee dacwada Horumarinta iyo shirkada Telesom,waxaana ardaydii kaalmaha hore gashay la gudoonsiiyay Lacag iyo shahaadooyin.
Sidoo kale waxa iyana shahaadooyin la gudoonsiiyay Macalimiintii tartankaa qabanaysay iyo shirkada Telesom oo iyadu tartankan fulisay. 
Xafladan, ayaa waxa kasoo qayb galay, Madaxda heer Gobol,Degmo iyo waliba waalidiinta ardaydan.
waxaa ugu horayn halkaas ka hadlay Badhasaab ku xigenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf(Ubaxle) waxaanu yidhi ''wax la qabto oo dedaal la galiyo waxaa ugu wanaagsan diinteena islaamka waan wax aad loogu farxo arday da,ayar aha oo sidaas guudka uga akhriyaysa axaadiistii,waxaanay ka turjunayaan madarasadihii ay wax ku barteen iyo guryihii ay ka yimaadeen,ilmaha guriga wanaagsan ka yimi wuu ku farxad galinayaa,waxaan leeyahay in badan baa jirta oo aaminsan inay umada ku hagayaan dariiqa illaahay oo hadana baadiyaysan oo si qaloocan diintu u gashay ,kuwaas ilaahay dariiqa xaqa ah aku soo hanuuniyo”ayuu yidhi.
Maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad oo xafladaas xidhitaanka tartanka axaadiidta ka hadlaya ayaa isna sheegay “waxaan leeyahay hawshan waa hawl muhiim ah yaan halkan lagaga hadhin ee ha socdo marka rabadaantu dhamaato,anagana waxaanu balan qaadaynaa in aanu ka qayb qaadano,waxaanan leyahay axkaamta hala xifdisiiyo waayo dhaxal intaasaynu haysanaa”.
Gudoomiyaha jimciyada Mu’asasada Alkaram ee dacwada Horumarinta ee iyadu tartanka Xifdigan waday Sharmaarke Aw Muuse Xasan, ayaa isna ka waramay nidaamka loo qabtay Tartankan.
''waxaa wax wanaagsan oo aad loogu farxo ah arday sodn ah oo da’yar ah qaybsiino oo xifdi siino afar kutub ka mid ah cilmigii sharciga ahaa mudo yar oo kooban oo labaatan cisho ah,waxaana naga caawiyay oo maalgaliyay(Fududeeyay) doorkii sadexaad shirkada Telesom,anaguna hadii aanu nahay Mu,asasada Alkaram waanu suuro galinay” .
waxa isaguna halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Madaxa iibka ee shirkada Telesom Cali Mahdi Ismaaciil waxaanu sheegay inay ka shirkad ahaan soo dhawaynayaan wixii lagu horumatinayo diinta iyo barashadeeda aadna ay ugu faraxsanyihiin inay ka qaybqaataan tartankan ay aradayda da,yarata ahi ku xafideen axaadiista.
Sheekh Xasan sheekh Cali,Sheekh Axmed Maxamed Muuse oo ku hadlay afka macamliinta iyo Axmed Maxamed oo ku hadlay afka waalidiinta ayaa iyana ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in korka laga hayo axaadiistu,waxaanay macalimiinta ku booriyeen inay masuuliyadaas sii wadaan ilaalilayaana.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: axmedmm9@hotmail.com