Tuesday, July 29, 2014

Macnaha iyo Meel Kasoo Jeedka Magaca Rasta,Qalinkii : Kayse Maxamed Xuseen (Galaydh)


Magacan loo yaqaannoRasta oo ay la baxeen dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed intaan ka warqabno muddooyinkii




 Sida aynu ogsoonahay beryahanba waxa dhaqankeenna ku soo biirayey la bixista magacyo qalaad




( ha ahaadeen kuwo Carbeed amaba kuwo reer Galbeede). Magacyadan badankoodu waxay ku soo dhex dhuunteen diinta islaamka, waa kuwa xaga carabta innagaga yimiye. Kuwo kale oo aynu malaha ilbaxnimo uga dhawaanaana  waxay innaga soo galeen dhinaca reer Galbeedka. Magacyo toos ah iyo naanaysaba way iskugu jiraan.




 




Haddaba, waxa aan in muddo ahba u kuurgalayey wax ka ogaanshaha mid ka mid ah magacyadan oo ay beryahan danbe dhallinyarteennu la baxdo iskagana daydaan. Haddii aad dhadhansato ama dhuuxdo magacan, judhiiba waxa aad dareemaysaa in uu yahay magac qalaad oo aan afkeenna sal iyo raad toona ku lahayn. Taas baana igu dhalisay inaan baadidoono  magacan macnihiisa iyo




halka uu  xidid ku leeyahay.




 Magacan loo yaqaannoRasta oo ay la baxeen  dhallinyaro  badan oo Soomaaliyeed intaan ka warqabno muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa ah midka aynu maanta u golleennahay ee aynu qoraalkeennan ku eegi doonno.




Haddaba, magacan oo loo soo  gaabiyay Rasta, dhammaystirkiisuna yahay Rastafarianism, wuxuu kasoo fiilay amaba ka soo farcamay  dhaqan iyo dhaqdhaqaaq diineed, kaas oo ka soo bilaabmay dad asalkoodu ahaa  Jumaykaan(jamaica) xilli ku beegan 1930 kii. Dhaqdhaqaaqan waxaa la magacaabay kadib ninkii la odhan jiray Tafari Makonnen oo ahaa magaca dhabta ah ee boqorkii Itoobiya, lana odhan jiray Xayle Salaasihii koowaad (Haile Selassie I) ee xukumayay dalka Itoobiya1930kii.




Magacan Ras: oo ah eray Amxaari ah micnihiisuna u dhigmo “lord” luuqadda Ingiriiska, ayaa afka Soomaaliga ku noqonaya   “ Ilaahay ama boqor”




Haddaba, ubucda caqiideed ee Rastafarianismku(Rasta), waxay tahay in uu Xayle Salaase yahay Ilaaha dadka isirkoodu madowga yahay. Caqiidadanina waxay sii dhisnayd illaa dhimashadiisa ka dib 1975kii.




Waxaa loo malaynayay ama la aamminsanaa  in uu dhaqdhaqaaqan Rastafarianismku yahay aasaaskii dib loogu noqon lahaa Afrika. Dhaqdhaqaaqan markii ugu horraysay waxaa abuuray nin la odhanjiray Marcus Garvey oo ahaa hoggaamiyihii Jumaykaanka. Ninkani wuxuu u guuray waddanka Maraykanka isagoo degay magaalada New York 1916kii; kuna wacyi galiyay  dadka madow ee Maraykanka ah inay xornimadoodii dib ula soo noqdaan, oo ay Afrika dib ugu soo laabtaan iyo dhulkii ay kasoo jeedeen, khaasatan labada waddan ee kala ah Laybeeriya iyo Siiralyoon.




 




Marka loo eego warbixin aad loo rumaysnaa xilligaas oo wargeysyo ku soo baxday, Garvey wuxuu u sheegay dadkii taageersanaa ee Jumaykaanka ahaa inuu ka baxayo Maraykanka, waxaanu ku  yidhi aynu dib u eegno halka boqorkii dadka madow lagu caleemo saarayo, boqorkaasina wuxuu noqon doonaa ka idin xorayn doona xafladda caleemosaarkiisa  ka dib.




 




Dad badan oo taageersanaa Garvey waxay bilaabeen inay ka raadiyaan kitaabka Baybalka caddaymo nebinnimo, waxaanay soo xaqiijiyeen caddaymo la shaaciyay, taasoo ay ka akhriyeen bowdada Xayle Salaase, qoraal ku qornaa oo ahaa “boqorka boqorrada” ama Ilaaha Ilaahyada, waa siday rumasnaayeene. Dhacdooyinka noocaas ah ayuu ka dhashay dhaqdhaqaaqa Rastafarianismku.




 




Markaas Rastafarianismku waa aragti dhaqdhaqaaq oo ifinaysa caqiido diineed, iyadoo awood Ilaahnimo la adeegsanayo. Awooddaas Ilaahnimo oo dadka cadaadiska lagu hayo lagaga saari doono, loona saari doono  barwaaqada nabadda iyo jannooyinka ifka.




 




Rastafarianismkawaxaa lagu horumariyay oo lagaga shaqeeyay sida caadiga ah iyadoo la isticmaalayo maandooriyaha Marijuana(Ganja), kaas oo ay ka barakaystaan dadka caqiidadan aamminsani.




 




Dadkaasi waxay raaceen sharcigii kitaabka Yuhuudda(Yahweh) ,kaasoo mamnuucayey in timaha la jaro. Sidaa awgeed, dad badan oo ka mid ah Rastafarianismka ayaa timaha dheeraystay.




 




Marmarka qaar dadkaasi timaha waxay ku xidhaan maryo midabbo kala duduwan leh, sida: Casaan, Dahabi,Cagaar (Doog) iyo Madaw.  Isugeynta midabbadan qaarkood ayaa noqonaya calanka Itoobiya. Taasoo caddayn wayn u ah inay yihiin xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Rastafarianismka.




 




Dhaqdhaqaaqani isagoo ka shidaal qaadanayay Jumaykaanka wuxuu ku fiday waddamo badan oo dunida kamid ah sida: Ingiriiska, Kanada, Maraykanka iyo dalal kale.




 




Isbeddelkii muusiga Eraggie ee uu  fannaanka Bob Marley ugu heesi jiray Rastafarianismka 1967, wuxuu door wayn ka qaatay fiditaanka akhbaarta Rastafarianismka oo dunida aad ugu faaftay sannadihii 1970kii illaa 1980naadkii, jeerkaas oo ay Bob Marley iyo muusigii loo garaaci jirayba ay caan ka noqdeen caalamka.




 




Ula jeeddada aan maqaalkan u qoray waxay tahay in dhallinyarta Soomaaliyeed ka waantoobaan ku dayashada indho la’aanta ah, ogaadaanna  taariikhda dhabta ah ee ka danbaysa ama ku duugan  magacanRasta. ciddii uu jahli kaga jiray ee horey ula baxdayna iska dhaafaan, ciddii badheedh ula baxaysaana ogaadaan baadinnimada iyo Alle ka dheeraanshaha ay ku suganyihiin.




 




 




Qalinkii : Kayse Maxamed Xuseen (Galaydh)




kaysegalaydh@hotmail.com,




Health Officer