Saturday, July 26, 2014

War-deg deg ah: Madaxweyne Siilaanyo oo lagu casuumay Xaflad toos uga socota Telefishanka Qaranka


DSC04138 London(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa goor dhoweyd ka soo muuqday Xaflad casho sharaf ah oo loogu sameeyay caawa Magaalada ;London.




Xafladdan ayaa  hada si toos ah uga socota Taleefiishanka Dawladda, waxaana ka qayb galay sida muuqata Marti-sharaf tiro badan.




Dad masuuliyiin ah oo asxaabta qaar ka socda  ayaa ka qayb galay Xaflada oo ka hadlaya.




Xaflada ayaa ah mid lagu qabtay Hool yar oo aad u kooban, waxaana muuqata in si deg deg ah loo diyaariyay.




ka soo muuqashada Madaxweynaha ee Xafladan ayaa imanaysa xilli ilaa xalay si weyn loo hadal hayay in xaalada Caafimaad ee Madaxweynuhu aad u liidato, iyadoo baraha Bulshadu ku xidhiidho iyo warbaahinta qaar la geliyay qoraalo lagu sheegayo in Madaxweynuhu geeriyooday.DSC04139




 



hadal hayntaasi ayaa bulshada dalka oo dhan dhex qaaday.




Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo maanta warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in xaalada Madaxweynuhu aad u wacantahay, jirina wararka laysla dhex marayaa.




inta laga war qabo Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Magaalada London ku joogaa fasax gaar ah, waxaana wehelinaya qoyskiisa iyo Wasiirka Waxbarashada.