Wednesday, July 30, 2014

Xadhiga Agaasimaha Universal ee Somaliland oo la Cambaareeyay


[caption id="attachment_91958" align="alignleft" width="300"]Najiib oo u hadlay Bahda UNIVERSAL Najiib oo u hadlay Bahda UNIVERSAL[/caption]Wariye Najiib Cabdiwali Xiis oo ka tirsan Wariyeyaasha ka hawl-gala Telefishanka UNIVERSAL ayaa cambaareeyay xadhiga Agaasimihii Telefishankaasi Maxamed Caabi oo Habeennimadii Ciida Bilayska Somaliland xabsiga u taxaabeen.




Wariyaha oo ku sugan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa warfidiyeenada u sheegay inaan dambi lagu haystaa jirin Maxamed Caabi, isla markaana Maamulka iyo warfidiyeenada Telefishankaasi xaq daro u arkaan xadhiga Masuulkan.




Sida laga war qabo TV-ga Universal horaantii sanadkan ayaa laga madnuucay somaliland, kaddib markii ay xukuumadu ku eeddeysay inuu barmaamuj anshax xumo ah ka baahiyay Madaxweynaha.




Sida ay Gobanimonews wararka ku heshay xadhiga Agaasimaha la xidhay ayaa ka dambeeyay kaddib markii Telefishanku Barmaamuj ku saabsan bandhiga ciida ka diyaariyay Fannaaniin fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, taasoo sida saraakiisha somaliland ay sheegeen ka hor imanaysa amarkii lagu xayiray.




Maxamed Caabi ayaa la qabtay isla habeen hore markii ay Bilayska somaliland isna xabsiga dhigeen Tafaftiraha Mareegta Bali-gubadlemedia oo lagu eeddeeyay inuu baahiyay Warar been abuur ah oo ka dhan madaxweyne ku-xigeenka somaliland.




Halkan hoose ka daawo Wariyayaha cambaareeyay xadhiga Agaasime Maxamed Caabi:








Halkan ka Akhri warka xadhiga Maxamed Caabi




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: gobanimo2013@gmail.com