Monday, July 28, 2014

Astaanta Nolosha


Ma garanayo meesha aanu ku suganahay jawigeeda wax aan ku sifeeyo, balse halka aanu ku socono waxaa na soo gaadhaya kulkeeda. Waxaan ka soo baxay halkii uu Eebe nagu abuuray, waxaan u socdaa halkii ay ahayd in aan nimaadno. Mid kasta oo naga mid ahi waajib na saarran ayuu gudanayaa. Sannad kasta dhawr bilood ayaanu u baxnaa shaqadan oo kale, inta kale nasiimo, tarmid iyo is naaxin ayaanu ku jirnaa. Dunida oo dhan waanu ka hawl galnaa oo meel aanu ka maqanahay ma jirto, haddana umaduhu waxay isku dhaafeen sida looga faa’iidaysto hawshaanu qabanay. Anaga shaqadayadu waxay tahay deeq gaadhsiin, ee hadba dadka meeshaas degan ayay ku xidhan tahay ka faa’iidaysigeeda iyo dayaceeduba. Haddii sida ugu habboon looga faa’iidaysto hawshaas waxa hubaal ah deegaankaasi inuu noqdo mid lagu soo hirto xag dhaqaale iyo xag muuqaalba.




Moe-shakir Saed.




Goobtii aan ku qornaa ayaan soo gaadhay waxa ka muuqday omos iyo harraad; siigo iyo saxariir, dadka suuqyada iyo sayladaha joogaa wajiga ayay cimaamado iyo masaro iskaga duubeen, geela dhulka siigada iyo dhirta midna ma kala garatid dhammaantood. Waa isku wada midab waa cawlaan aan cagaar lahayn. Keligay kuma ahayn safarka ee malaayiin kale oo walaaladay ah ayaa igu wehelinayay, kolkaanu cagaha dhiganay dhulkii, waji farxad leh ayay nagu qaabileen dadku hadal hayntayada ayaa afarta bayni jihaba gaadhay. Shan ilbidhqsi ka dib is badal ayaanu samaynay intii awoodayada ahayd oo siday ay ahayd ayaanu uga soo baxnay shaqadayadii, balse deegaanka naloo diray ayaa ahaa dhulka soomaalida oo ah dhul dadkii lahaa cunay oo hadana iyagii is cunaya, kol kol ka qaar waxaanu is nidhaa malaha dadkani dhibta ayay ku tamariyaan ilaahay amarkii. Lama barbar dhigi karo dhulalka kale, waxaanu ku xamanaa inay yihiin badankoodu dad Alleh barigoodu aanu afka dhaafsiisnayn, oo aan fal-na ku kaabin. Xilliyada aannu ku badano deegaankooda way na dhibsadaan iyaga oo ceebtooda aasaya dhaliishana anaga na saaraya. Taladu hadday anaga naga gu’i lahayd waannu ka dheeraan lahayn dadkan, balse nagama go’do, hadday na waayaan waa u oohintoodii, haday na helaana waa u caqli xumaantoodii iyo xaasidnimadoodii.




Mid kasta oo naga mid ahi halkuu soo gaadho ayuu hawshiisa ka bilaabaa, aniga awoodayda wax qabad iyo jiritaan waxay ku xidhan tahay awoodda walaalkay, tiisa la’aantii taydu waa bar kuma taal. wada jirka ayaanu ku tamarinaa halka ay dadka kani kala taga dheef u haystaan. Waanu is urursanaa oo awood ayaanu samaynaa, ka dibna waanu dhaqaaqnaa cid na jihaysa oo naga faa’iidaysata kolkaanu wayno, waxaanu isku daynaa in aanu nadiifino meel walba, eed kuma lihin hadaanu dad iyo duunyaba cagta marino ilayn duul la soo lugooyay ayaanu nahee, ugu danbaynta aniga iyo walaaladay waxaanu fadhiisimo ka dhiganaa meelaha magaalooyinka ka baxsan ilaa inta ay wax is badalayaan. Muddo ka dibna cadhada iyo ciilka waxaanu ula baqoolnaa dhan kaa  badda iyo wabiyada oo aanu farxad iyo dammaanshaad ka raadino.




Badda colna ma nihin nabadna ma nihin oo dumar hinaasan ayaa ka buuxa,wabiyada se ragg nala midaa jooga oo soo dhawayntaanu dadka,dhulka iyo badaba ka waynay ayaanu kala kulanaa……Waxaan ahay Dhibic.




 




W/Q:Maxamed-shaakir Siciid Cabdi (Shaakir)




Email:moeshakir@live.com




Hargeysa