Friday, July 25, 2014

Farmaajo “Dhibaatada Muqdisho Al-Shabaab ayaa sheegata, ma aha in dad kale dusha laga saaro”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa
cambaareeyay dilalka Muqdisho loogu geynsanayo xubnnaha dowladda ku jira
iyo shacabka, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda inay shacabka kasbadaan.

Farmaajo oo wareysi siinayay mid ka mid ah idaacadaha ka howl gala
magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab lagaga adkaan karo, iyadoo
shacabka wada shaqeyn laga helo, lana kasbado, isagoo ka digay in
dowladdu ay cabsi geliso shacabka.

“Al-Shabaab waxaa lagaga adkaan karaa in dowladda marka hore ay kasbato
shacabka, lalana shaqeeyo, Al-Shabaab sidaas ayaa lagaga adkaan karaa,
shacabka ma aha in la cabsi geliyo waa in mar walba la soo dhoweystaa
oo ay dowladdu la shaqeysaa”ayuu yidhi Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo
oo ku sugan Mareykanka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sheegtaan wax kasta oo
Muqdisho ay ka geystaan sida dilal iyo qaraxyo, waxaana uu ugu baaqay
dowladda in aanay dusha ka saarin dad aan ku lug laheyn dambiyada ay
Shabaab galayaan.

“Al-Shabaab wax walba iyada ayaa sheegta dhibaatada Muqdisho ka
dhaceysa, waana in iyaga loo daayo inay ka dambeeyaan dilalka iyo
qaraxyada, waa kuwo caruurta iyo dumarka dila, ma ahan in dad kale la
saaro dhibka ay geysanayaan”ayuu yidhi Farmaajo oo ka jawaabayay hadal
dowladda ka soo yeedhay oo ahaa in Al-Shabaab kaliya aanay Muqdisho ka
geysan dilalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa ugu baaqay
Xildhibaanada in aysan cabsi gelin dilalka loo geysanayo, isagoo ku
booriyay inay howlaha ay Qaranka iyo shacabka u hayaan ay halkooda ka
sii wadaan.