Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey
qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo
dhammaanshacabka Soomaaliyeed geerida Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.
Madaxweynaha ayaa yidhi “Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajucuun,
geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.
Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir
iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in
Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha nabad-diidka ah aysan naga leexin
karin dadaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka.
Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay hay’adaha amniga kala
shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyey falkan foosha xun, si sharciga loo marsiiyo.