Tuesday, July 29, 2014

Muslimiinta kenya oo ciidday


[caption id="attachment_91889" align="alignleft" width="300"]Sheikh Umal oo khudbad u jeediyay kun nairobi ku tukaday Sheikh Umal oo khudbad u jeediyay kun nairobi ku tukaday[/caption]Nairobi(GNA)-Magaalooyinka waa wayn ee dalka kenya ayaa maanta waxa looga dabaal dagey munaasibada ciidul fitriga iyadoona muslimiinta ku dhaqan magalada nairobi ay isugu soo baxeen fagarayaasha waa wayn ee kuyaalla magalada nairobi si ay u tukadaan salada ciidda.




Sheekh Maxamed Surwaale oo ah imaamka masaajidka wayn ee Jamia ayaa salada ciida ku tujiyey dad kumanaan gaarayay oo maanta kutukuday barxad sir ali muslim club ee ku taala xaafada stareha.




Sheekh Maxamed Cabdi Umal  ayaa halkaas qudbad dheer uga  jeediyey dadkii kasoo qayb galey tukashada salada.




 sidoo kale waxa kasoo qayb galey masuuliyiin katirsan dowlada kenya oo uu kamid ah hogamiyaha aqlabiyada barlamaanka kenya adan bare ducaale  iyo masuuliyiin  kale kuwaasoo muslimiinta dalkan ku hambalyeeyey Munaasibada Ciiddal-fidriga.




Magooliyinka kale ee dalka kenya ayaa si wayn looga dabaal dagey munaasibadaha ciida fitriga iyadoo ay  kusoo dhamaadeen jawi dagen.




Cabdiraxmaan Buurdhaab




Gobanimonews  




Nairobi Office




Email:  buurdhaab4@gmail.com