Friday, July 25, 2014

Sagootinta AHN Saado Cali Warsame

xabaashaWaa Maanso kooban oo Baroor diiq u ah Geerida Marxuumad Saado Cali Warsame, taasoo lagu sagootinayo, waxaana tiriyay Ahmed Shire

Maanso

Somalinimaan Saadoy Kugu Sagootiyey

Sumadii Qarankaan Saadoy Kugu Sagootiyey

Geesi Adoo Kale Ah Qarshaan Kugu Sagootiyey

Saxiibkii Callankaa Saadoy Kugu Sagootiyey

Sacabo Xariira Iyo Ducaan Saadoy Kugu Sagootiyey

Samanadan Sarimaynee Oohin Baan Kugu Sagootinay

Geeridu Xaqweye Qabrigoo Nura Saadoy Kugu Sagootinay

Saligii Rasuulkiyo Janaa Saadoy Kugusagootinay

Samir Qaran Iyo Ehelba Ilaahsiiyo Saadoy Kugu Sagootinay

Wadaniyad Inaa Tahaa Saadoy Kugu Sagootinay

Dulmiga Kuwii Dhigay In Samadu Diidan Saadoy Kugu Sagootinay