Tuesday, July 29, 2014

Somaliland: Waa kuma Masuuliyiinta xukuumadda ku jira ee Caqabada ku ah Aqoonsigu?


Xukuumadda Siilaanyo oo mar kale lagu sheegay inay ku jiraan xubno fidmo wadeyaal ah oo dalalka jaarku walaac ka muujiyeen!2




[caption id="attachment_85196" align="alignleft" width="276"]Sheikh adan siiro oo ka hadlay dhowr arrimood Sheikh adan siiro oo ka hadlay dhowr arrimood[/caption]Hargeysa(GNA)-Mid ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa maanta munaasibadihii ciidal-fidriga khudbad uu ka jeediyay Fagaare ku sheegay in afar xubnood oo ka mid ah Golaha Xukuumaddu khatar ku yihiin horumarka iyo siyaasaddeed iyo xidhiidhka ka dhexeeya dalalka jaarka.




Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro), oo khudbad u jeediyay dadweynihii uu Garoonka Xawaadle ee Hargeysa ku tukaday Salaaddii Ciidda, ayaa intaas ku daray in xukuumaddu culayska xubnahaasi ku hayaan dalka laga dulqaado, isagoo xusay in hadii sidaa aan la yeelin dalku go’doon geli doono.




Hadalkan ayaa kii ugu cuslaa ee sheikh xukuumadda uga gudbiyo khudbadaha siyaasiga ah ee uu inta badan ku dhaliilo Hay’addaha Maamulka, waxaana ka dhashay dareen hor leh oo dib shaashadaha dhaleecaynta xukuumadda ugu soo celinaya hadal ka soo yeedhay Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga.




Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland ayaa Cabdilaahi Abokor ayaa u xidhan shaacinta shakhsiyaad xukuumadda ku jira oo uu si toos ah ugu eeddeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Ururrada xag-jirka ah ee Gobolka ka dhisan.




Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay “Wasiirrada xukuumadda waxaanu ognahay in qaarkood ay xidhiidh la leeyihiin Ururro magacyo kala duwan sheegta oo Ictisaam, al-ixsaan iyo Alshabab ka mid yihiin. Markii aan wasiirka ahaa waxa nagu adkaan jirtay inaanu shirka Golaha wasiirrada kaga hadalno arrin ku saabsan Alshabaab”ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor maalmo kaddib xabsiga loo taxaabay markii uu hadalkaas sheegay.




Inkasta oo aan hadalka Masuulkan hore aanay bulshadu u boggin, isla markaana lagu tilmaamay arrin cambaareyn siyaasaddeed ku kooban, hadana waxa jiray warar ilaa bishii la soo dhaafay isa soo tarayay oo sheegayay in xukuumaddaha Itoobiya iyo Djibouti shaki weyn ka qabaan xubno xilal sar sare ka haya xukuumadda siilaanyo oo ay dhowr jeer ka soo dacwoodeen.




Warka ku saabsan ashkatada labada maamul ee dalalkaasi kaga cabanayaan masuuliyiinta Somaliland, oo xataa hadii uu jiro aragti siyaasaddeed loo fasiran karo, ayaa waxa Gobanimonews ka soo xigatay diblomaasiyiin ku nool meello ka baxsan Somaliland oo arrimaha Gobolka xogogaal u ah.




Hase ahaatee jiritaanka dareenkaas waxa si lama filaan ah oodda uga qaaday Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray  oo ah Wadaad aan inta la gaban ka hortaga waxyaabaha qaranka waxyeelada ku ah.




 “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa yaanu dalku u deldallaanin dhowr qof oo xukuumadda ku jira oo Wadamada Jaarku ka cabanayaan, waayo, innagu ummad xor ah oo tashanaysa ayaynu nahay, laakiin afar qof oo xukuumadda ku jira iyo afar Milyan, waxaanu dooranaynaa horumarka iyo ummadnimada afarta Milyan iyo taladooda, waxaanu leenahay waddanku yaanu afar qof u deldallaanin, arrintaasi waa arrin xaasaasiya, waa arrin ummado badan ay ka hadleen, annaguna aanu tilmaamayno, kuwaana waxaanu leenahay waxa wanaagsan inaydaan caqabad ku noqonin ummada horumarkeedii iyo ictiraafkeeda iyo yoolkii dheeraa ee ay ummadu hiigsanaysay” ayuu yidhi.




 waxaanu intaa sii raaciyey “Anigu, Aadan ahaan shaqsi-baan ahay, haddii aan dhib ku noqdo mushtamaca Somaliland, waa inaan u fududeydiyo oo aan fursad siiyo dadka intooda kale, maaha haddii aan qori dable sito inaan dhinac ka soo geliyo, oo aan idhaahdo dadkuna ha ila xanibnaadaan..”




Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu ku taliyey “Xukuumadda waxaanu kula talinaynaa inay kuwaasi taladooda qaataan (Go’aan laga gaadho arrinkooda).”ayuu yidhi.




Si kastaba ha ahaatee fariimaha isdaba joogga ah ee dhalinaya shakiga Xaasaasiga ah, kuwaasoo  xukuumadda ku waajahan, ayaa  ah kuwo si toos ah ugu dhacaya dhegaha Madaxweyne Siilaanyo oo ah hogaamiyaha waddanka, waxaase aan ilaa hada la caddeyn Karin inuu isagu arrintaasi wax ka ogyahay iyo in kale  iyo waliba inuu marna kala xaajooday dawladdaha ka shkatooday.




Waxa xusuus mudan in sanadkii 2010-ka dawladda Itoobiya faro gelin dhanka maamulka ah ku samaysay madaxweynaha oo xilka ku cusbaa, iyadoo wakhtigaasi sida la sheegay Dawladda Itoobiya ka dalbatay inuu xilalka kala noqdo xubno xukuumaddii uu markaa soo dhisay ku jiray oo ay ka biyo diideen magacaabistooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com