Sunday, July 27, 2014

Somaliland: 12 Gabdhood ayaa lagu kufsaday Gobolka Saraar Bishan Ramadaan?warbixin


Xog-waran: Bilayska, Xeer-ilaalinta, Maxkamaddaha iyo Hay’addaha kale ee Nabad-gelyada qaabilsan oo lagu eeddeeyay inay laaluush ka qaataan dadka geysta falalka Kufsiga iyo isku dhac bulsho oo laga qabsi qabo




“Haweenka la kufsaday waxa ku jira Hooyooyin aad u da’ weyn, waxaana la faro-xumeeyo  Dhakhtar ugu dhow Magaalada Burco”Jaamac Yuusuf Shiil




[caption id="attachment_91738" align="alignleft" width="300"]Dhulka Miyiga ah ee laysugu soo guuray waa halis Dhulka Miyiga ah ee laysugu soo guuray waa halis[/caption]Caynabo(GNA)-Kufsiga Gabdhaha ayaa la sheegay inuu ku soo badanayo bilihii u dambeeyay  Deegaamada hoos yimaada gobolka Saraar ee Somaliland,kaddib markii Dad Reer guuraa ah  oo ka soo kala hayaamay  Gobolada ku xeeran Saraar ay halkaasi isugu soo galeen.




Ilaa 12 Qof oo Haween isugu jira Hooyooyin iyo Gabdho dhalinyaro ah , ayaa Kufsi lagula kacay Bishan oo qudha,taasoo walaac badan abuurtay.




Hadal haynta Dhibaateynta Gabdhaha ee xiligan




Inkasta oo aan diwaan rasmi ah oo lagu tiro-koobay falalkaasi iyo tiro ahaan kufsiyada dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay, hadana warka hada soo baxay wuxuu muujinayaa xaalad qalafsan oo ay waajahayaan Haweenka ku nool meelaha Miyiga ah ee ka baxsan Magaalada.




Kuwaasoo ay u badan yihiin Dumarka  lagula kacay dhacdooyinkan u dambeeyay ee la soo wariyay, oo ku soo beegmay xilli maalmahan la hadal hayay dhibaatooyinka loo geysto Haweenka, oo ay ka mid yihiin Caado dhaqameedka Gudniinka fircooniga ah iyo Guurka Khasabka ah ee Gabdhaha da’doodu yartahay lagu madax garaaco.




Kufsiyada Gobolka Saraar




Fal-kufsiyeedyada Gobolka Saraar ayaa la sheegay inay ka dhaceen meello ka baxsan Magaalooyinka oo cidlo ah.




Jaamac Yuusuf  shiil oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Duleedka Degmada Caynabo ee Gobolka laga Maamullo ayaa Gobanimonews u sheegay in todobaadkii hore meel aan ka fogayn soonka Magaalada Caynabo lagu kufsaday qof Dumar ah oo aad u da’ weyn iyo Gabadh 16 jir.




Sidoo kale waxa uu sheegay in Gabadh kale oo tiro badan lagu faro-xumeeyay Degmooyinka hoos yimaada Gobolka, waxaanu xusay in Gabadha  16 Jir ah  waxyaalo loo geystay.




“meeshan waxa ka socda wax Islaamnimada ka fog oo dhaqanka ka fog, oo aan wax lagu sheegi karaa jirin”ayuu yidhi. Waxaanu intaas ku daray “12 Kufsi ayaa dhacay oo kii u dambeeyay todobaadkan dhacay (todobaadkii hore), waxaanina waxay ku imanayaan markii ay Hay’adihii wax ka qabn lahaa Laaluush ka qaateen qofkii dambiga sameeyay, nin waliba marka uu Kufsi sameeyo Odayaal ayuunbaa  Xeer ilaalintii imanaya oo lacag yar u laabaya, kaddibna waa la sii daynayaa.”




Shiil ayaa sheegay in Xabsiga laga sii daayay dad kiisas Kufsi ah u xidhan “xalay (todobaadkii hore), waxa jeelka lagala baxay Niman Kufsi ku eedeysnaa”ayuu sii raaciyay. “ Dumarka la Kufsaday waxa ka mid ah Haweenay lagu tilmaami karo Sodoh, Gabadh kale oo 16 sano jir ah oo aanu walalo nahay ayaa iyadana lagula kacay falkaa foosha xun.”ayuu yidhi Jaamac Shiil.[caption id="attachment_91737" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Xabsiga caynabo Muuqaalka Xabsiga caynabo[/caption]




 



Dhinaca kalem Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo ka tirsan Golaha Deegaanka  ee Degmada Caynabo, ayaa sheegay inay Olole Bulshada lagaga wacyi gelinayo falalka noocan ah ka sameeyeen Deegaamada Gobolka, hase ahaatee hadana wali arrintu sii socoto.




Mudane Abyan oo la hadlay Gobanimonews ayaa sababta Kufsigu ugu badanayo Gobolka ku micneeyay is-dhex galka Bulshooyinka isaga soo guuray Gobollada ku xeeran Saraar iyo kuwii hore dhulkan u degenaa, waxaanu tilmaamay “way jirtaa arrinta Kufsiga ee sii kordhaysaa, waxaana sababay Gobolka waxa isagu soo galay dad reer Guuraa ah oo kala kala yimi Gobolada Sool, Sanaag, Togdheer iyo kuwii hore meesha u degenaa. Dadkaasi markii ay isu soo galeen waa dad aan is-aqoon oo markaasay waxay doonaan isku samaynayaan”ayuu yidhi.




“markaa dhawaan waxaan samaynay Olole Wacyi gelin ah oo aanu dadka kaga wacyi-gelinayno inay iska ilaaliyaan falalka amniga iyo wada noolaanshiyaha waxyeelada ku keenay. Degmooyinka oo dhan iyo tuulooyinka waanu ka samaynay, annagoo ah Xildhibaanadii golaha Deegaanka Caynabo ee dadku soo doortay.”ayuu yidhi xildhibaan Abyan.




Laba arrimood ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha sii kordhinaya Falalka Kufsiga ee Deegaankan ka dhacaya. Labadaa arrimood oo kala ah: 1- Hay’addaha amniga ee Gobolka iyo kuwa Garsoorka oo ka gaabiyay in ciqaab adag la mariyo qofka Falalkan geysta. 2- qodobka kale ayaa waxgaradka iyo waalidiinta dadka dambi geysteyaasha ah iyo kuwa dhibaneyaasha Masuulka ka ah oo heshiis deg deg ah oo aanu dhibanuhu qayb ka ahayn wada gaadha, kaddibna Lacag Xaal-marin ah kala qaata.




“marka fal dhaco ee qofka dhibanaha ahi u baahdo in loo soo qabto qofkii waxyeelada geystay, Bilaysku waxay kugu odhanayaan Gaadhiga howl-galka lagu fulinayo ku shubo 30 Litre oo Shidaal ah, hadhowna ciidanku waxay kaa doonayaan lacag”sidaas waxa mar kale yidhi Cumar Yuusuf Shiil.




Cumar ayaa sii sheegay “iyadoo howlgalkii soo qabashadu kugu tegay Boqol Dollar, ayaa hadana waxa dhacaysa in Odeyaal ka socda qofkii Dhib geystaha ahaa la heshiiyaan Bilayska ama Xeer-ilaalinta, dabadeed intay adduun yar u laabaan loo sii daynayo Ninkii laguu soo xidhay” – “ ama waxa kale oo dhacaysa in Odayaal ka heshiiyaan arrintii qofka lagu ciqaabi lahaa. Waxaanay igu dhacday anigaygan oo Gabadha aanu walaalaha nahay kuwii waxyeelada u geystay laba Nin ayay ahaayeen waa la sii daayay”ayuu sii yidhi.




 Gurmad Caafimaad la’aan, Kufsiga kaddib




Yaraanta goobaha adeegga Caafimaadka ee heer deegaan iyo mid Gobol ayaa sababay inaanay Haweenka la faro-xumeeyaa helin gurmad caafimaad oo deg deg loogu fidiyo si noloshooda looga badbaadiyo waxyeelada soo gaadhay oo ah mid halis keenta xilliyada qaar, maadaama uu iman karo dhawaac jidh oo iman kara marka Gabadha la xooggo, waxaana dumarka la kufsado loola soo cararaa Magaalada Burco oo ugu dhow dhakhtar wax ka qaban kara xaaladdeeda.




Sidaasi waxa isku raacsan dadka deegaanka waxgarad iyo Maamulka degmada.




Maamulka Gobolka




Xidhiidho kala duwan oo aan la samaynay Laamaha dawladda ee Ammaanka iyo Maamulka heer gobol qaabilsan ayaa noo suurto geli waayay, kaddib markii uu Teleefoonnadooda gacanta ay naga qaban waayeen Masuuliyiinya aannu la xidhiidhnay.




Xubno ka mid ah Masuuliyiintaasi ayaa dhawaan lagu eeddeeyay falal Musuqmaasuq oo ay ku sameeyeen Mucaawimo Raashin ah oo Magaalada Caybano soo gaadhay todobaadkii hore.




Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saraar Ibraahim Jaamac Maxamed oo aannu la xidhiidhnay ugu yaraan shan jeer ilaa todobaadkii hore si aanu wax uga waydiino eeddeymaha hore loogu jeediyay iyo dhacdooyinka Kufsiga ee Gobolka ka dhacay ayaa ka jawaabi  waayay Telefoonkiisa gacanta, isagoo markii ugu horaysay ee Wariyeyaashu waceen inta uu qabtay uu ka gaabsaday inuu wax war ah bixiyo wakhtigaasi.




Walaac Amni daro




Korodhka Dhacdooyinka Kufsiga  ee sii socda Gobolka Saraar, ayaa waxa laga muujinayaa walaac dhanka ammaanka ah, waxaana laga cabsi qabaa inay sababbaan isku dhac bulsho iyo xiisad hor xilli ay ahaataba, hadaanay dhakhso wax uga qaban dawladdu. Waayo? Dhaqanka Soomaalida Kufsiga Gabdhuhu waa waxyaabaha Colaadaha ehliga ah iyo xasarada abuurra, isla markaana utunta reeba.




Diin ahaan iyo aadaminimo ahaanba  waxa Kufsigu ka mid yahay gabood-falada xaaraanta ku ah dhamaan Diimaha oo dhan, siiba Diimaha Samaawiga ah.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com