Saturday, July 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo: Waan Caafimaad qabaa boqolkiiba boqol”Dhegeyso


[caption id="attachment_91671" align="alignleft" width="300"]Madaxweyne Siilaanyo iyo Aamina Waris Madaxweyne Siilaanyo iyo Aamina Waris[/caption]London(GNA)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa toos uga hadlay Shaashada telefishanka Qaranka Xaflad la soo abaabulay oo ka dhacday Magaalada London oo uu socdaal gaar ah ku joogo.




Waxa uu sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana uu cafiyayo dadkii caafimaadkiisa wax ka sheegay.




Madaxweynaha ayaa dadkii xaflada ka soo qayb-galay uga war bixiyay xaalada dalka, waxaanu dhinaca kale iftiimiyay in dhaliilo jiri karaan xukuumaddiisa.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/SIILNYO.mp3"][/audio]




Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hadalkan, kaddib markii warar bulshada aad u dhex qaaday tibaaxeen inuu Caafimaadkiisu liito, qaliina lagu sameeyay.




Dadka qaar ayaa sheegayay inuu Geeriyooday.