Thursday, July 31, 2014

Beelaha Absame ee Somaliland: Dawladda waxaanu ka doonaynaa Xuquuq siyaasaddeed"


Daawo: Ugaaska Beelaha Absame oo Hargeysa casuumad ugu sameeyay Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland iyo Madaxdhaqameedyo kale , kana dalbaday arrimo badan.




  [caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]ugaska iyo suldan Ugaaska Absame[/caption] Hargeysa(GNA)-Ugaaska Guud ee Beelaha Absame ee Somaliland Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq ayaa maanta Casuumad qado ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Madaxdhaqameedyo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.[caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]Ugas iyo suldan Ugaaska Absame[/caption]




Munaasibada qado-sharafta ah ayaa waxa laysku waydaarsaday hadalo Kaftan iyo dalabaad isugu jira, waxaana ugaaska Beelaha Absame ku wehelinayay kulanka aqoonyahano iyo waxgarad ka soo jeedda bulshada u dhalatay deegaanka Soomaalida itoobiya ee  ku dhaqan Somaliland.




Nuxurka kulanka Casuumada ah ayaa xubnaha soo qaban qaabiyay ku soo uruuriyeen saddex qodob oo ay halkaasi ka dalbadeen waxgaradka iyo hogaan dhaqameedka beelaha Absame.




 “marka koowaad waxaan doonaynaa in naloo balanqaado in Ugaaska Beelaha Absame ka mid noqdo Madaxdhaqameedka dalka laga aqoonsanyahay.




Qodobka labaad ee aanu doonaynaa waxa weeyaan in Madaxweynaha laysu kaaya geeyo oo aanu ka wada hadalno. “ammaanka Bulshada aanu ka soo jeedno iyo ka Somaliland u baahantahay, sababtoo ay tahay amni ayaan u baahanahay, iyaguna way u baahanyihiin, markaa inaan ka wada hadalno.”sidaasi waxa yidhi Sheikh Axmed Khabiir oo ka mid ah aqoonyahanka Jaaliyada deegaanka Soomaalida Itoobiya.




Axmed-khabiir ayaa intaas ku daray  “Waxa kale oo aan u baahanahay inaanu Madaxweynaha kala hadalno xuquuqda aannu dalka ku leenahay, waayo xuquuqbaanu dalka ku leenahay , hantibaanu ku leenahay, waanu tegenahay Juqureefi ahaa, markaa inuu Madaxweynuhu na yidhaahdo xuquuqda koowaad ama ta labaad ayaad leedihiin ama xuquuq ma lihidin ee ka guura ayaannu doonaynaa”.




Xubno kale oo ka mid aqoonyahanka iyo maamulka Jaaliyada Beesha oo kulanka ka hadlay ka hor, Ugaaska iyo Madaxdhaqameedka kale intaanay hadlin, ayaa sheegay in xidhiidh wanaagsan oo dhex mara dawladda Somaliland iyo Jaaliyadda Beesha uu dariiqa u xaadhayo iskaashi dhinacyo badan taabanaya.[caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]Ugaaska Absame Ugaaska Absame[/caption]




Sida ka wada-shaqaynta nabad-gelyada, dhismaha waddooyin isku xidha labada dal iyo arrimaha kale ee daruurig ah.




Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Xuseen oo ka mid ah hogaan dhaqameedka Beelaha reer Hargeysa, oo halkaasi iyaguna ka hadlay ayaa sheegay inay aqbaleen dhamaan codsiyada ay ay soo jeediyeen hogaanka dhaqanka iyo Aqoonyahanka Beelaha Absame.




“ horta waa mid ee waanu aqbalnay saddexda qodob ee aad soo jeediseen. Arrinta Ugaaska Bishaa Augusta markay dhamaato Gaadhiga ugaaska waanu bixinaynaa”sidaasi waxa yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland.




Ugaaska Beelaha Absame Ugaas Cabdilaahi Maxamed-deeq oo gabagabadii halkaa ka hadlay ayaa fariin u diray Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa, waxaanu xusay inay rejo wanaagsan ka qabaan xukuumaddu inay aqbasho dalabaadka Bulshada uu hogaanka u yahay.




“madaxweynaha waxaan leeyahay madaxweyneyaashii hore midbaad kaga fiicantahay oo waxaan ku tilmaami lahaa intii aad xukunka haysa nabad-gelyada iyo siday xaaladu u degentahay iyo siday bulshooyinku isu dhex galeen”ayuu yidhi.




[caption id="attachment_92048" align="alignleft" width="300"]Ugaaska iyo suladin Ugaaska Absame[/caption]Halkan ka Daawo:




Ugaaska Beelaha Absame ee Somaliland ayaa dhawaan la caleemo saaray, isagoo hogaan dhaqameed u noqday dhamaanba beelaha Absame daarood ee deegaanka ku ah Somaliland.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com