Friday, July 25, 2014

Siilaanyo ma waxa uu London u tegay inuu Ciyaarsiiyo Carruurta Qoyskiisa?Daawo


Hoos ka daawo: Muuqaalka Sawiro Dadka Siyaasada ku foogan xusuusiyay xilligii uu Siilaanyo dhaliili jiray Safaradii dibada ee Daahir Rayaale..GNA




[caption id="attachment_91628" align="alignleft" width="300"]Madaxweyne Siilaanyo oo tamashleeyay Madaxweyne Siilaanyo oo tamashleeyay[/caption] Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo muuqday, kaddib todobaad uu ku sii maqnaa Dalka Ingiriiska oo ay fasax gaar ah ku tageen isaga iyo marwadiisu, iyadoo mudadii ay sii maqnaayeen dadka reer Somaliland si weyn isu waydiinayeen xaalka Madaxweynaha.




Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo muuqday isagoo la xarraaranaya Carruur yar-yar oo uu Awoow u yahay oo degen dalka Dalkaasi.




Sawirradan oo lagu baahiyay Warsidaha Somalilandtoday oo ka mid ah Warbaahinta Dawladda u xagliya, ayaa laga arkayaa Madaxweynaha oo tunka ku haya Laba Hablood oo sida la sheegay uu awoow u yahay iyo isagoo daadahaynaya Ubadkaasi.Siilaanyo iyo




Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof aad u jecel la joogista Carruurta, laakiinse uma jajabna, Caawinta iyo  inuu arko Ubadka dayacan ee dalka ku nool iyo xataa kuwa waxbarashada ku jira oo aanu marna ku booqan  Goobaha Waxbarashada intii uu xilka hayay.




sababtoo ay tahay hogaamiyeyaasha fur-furan ee la kulanka qaybaha Bulshadiisa jecel ayaa lagu yaqaanaa inay jecelyihiin ka soo muuqashada xarumaha Ubaxa lagu barbaariyo iyo meelaha ay ku noolyihiin kuwa ay qoysaskoodu  dayaceen oo ay kaalmo uga dhigaan la kulankooda iyo dhiiri gelintooda.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa dalka ka maqnaan doona 45 Maalmood wakhti ku dhadhow, sida ay sheegeen Ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay Madaxtooyada, inkasta oo aanu isagu caddeyn wakhtiga rasmiga ah ee uu soo laabanayo.




Waxa kale oo suurto gal ah inuu Bisha August  15-keeda ilaa 17-keeda dalka yimaado.




Dastuurka dalka ayaa Madaxweynaha u ogol wakhti aan ka badnayn 45  Maalmood, hadii ay jirto duruuf ku khasbaysa inuu muddadaas maqnaado, balse hada sida muuqata ma jirto sabab ku kelifaysa wakhti ka badan laba usbuuc.




Muuqaalka Hogaamiyahan ku raaxaysanaya Guriga uu ku leeyahay Magaalada London, ayaa Dadka siyaasadda ku foogan xusuusinaya, dhaliilo uu u jeedin jiray markuu mucaaridka ahaa,  Madaxweynihii talada ku wareejiyay ee Daahir Rayaale oo uu ku eeddeyn jiray inuu dibada ku tago Safaro aan Micno lahayn oo dhiig-bax ku ah Dhaqaalaha Dalka.[caption id="attachment_91629" align="alignleft" width="300"]Sawir siyaasaddeed Sawir siyaasaddeed[/caption]




 



Fadlan Aragtidaada ka dhiibo Socdaalka madaxweynaha ee London iyo Sawirradan..?




 



Siilaanyo iyoc



Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com