Monday, July 28, 2014

Sh. Aadan-siiro oo Raashin Mucaawimo ah ku wareejiyay Cisbitaalada TB-da iyo Dhimirka Hargeysa


Hoos ka Daawo Muuqaalka Xaflada oo dhamaystiran




[caption id="attachment_91795" align="alignleft" width="400"]adan Muuqaalka Raashinka la bixiyay iyo munaasibada[/caption]Hargeysa(GNA) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa maanta deeq ka kooban 340 kiish oo Bariis iyo Daqiiq ah iyo 156 caagadood oo Saliid ah ku wareejiyey Maamulka Cisbitaallada Dhimirka ee Magaalooyinka Hargeysa, Borama, Hargeysa, Berbera, Xarunta Darbi-jiifka Maxamed Mooge iyo Cisbitaalka Qaaxada ee Magaalada Gabiley.[caption id="attachment_91795" align="alignleft" width="400"]Muuqaalka Raashinka la bixiyay iyo munaasibada Muuqaalka Raashinka la bixiyay iyo munaasibada[/caption] 




Deeqdan Raashinka ah oo ay Sheekh Aaden Siiro u soo wakiisheen ururka Marwo Foundation oo ka dhisan Dalka Denmark iyo dhalinyaro kale oo isla waddankaasi ku dhaqan, ayaa waxa Munaasibaddii lagu wareejinayey ka qayb-galay guud ahaan Masuuliyiinta Cisbitaallada Dhimirka ee Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Borama iyo xarunta Darbi-jiifka Maxamed Mooge iyo weliba Cisbitaalka Qaaxada ee Gabiley.




Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibaddaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa faahfaahiyey deeqdan, waxaanu  yidhi “Halkan (Waxaanu ku wareejinaynaa ) rraashin Qiimihiisu yahay $ 6200 dollar, waxaana lacag dhan 6700 doollar soo diray jaaliyadda ku dhaqan dalka Denmark , dadka Lacagta soo direyna waa laba kooxood, qolo waxa la yidhaahdaa Marwo Foundation, waa hablaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Denmark, kooxna waa dhalinyarada reer Hargeysa ee ku nool dalka Denmark, waxaana sabab u ahaa in lacagtan la soo diro, Maxamed Jaamac Cabdillaahi, Safiya Ducaale Yuusuf iyo Axmed Cabdi Cali (Qaasaali)”




Sheekh Aaden oo sii hadlaya ayaa sheegay “Si dadkii khayrka badnaa ee lacagtan soo diray ay u ogaadaan in dadkii loogu talo-galay la gaadhsiiyey waxaanu isugu yeedhay dhammaan dhakhaatiirtii ay khuseysay, waxaanu u yeedhnay Agaasimaha guud ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Dr. Axmed Cumar Askar, waxaanu  yeedhnay agaasimaha Cisbitaalka Dhimirka ee Berbera, waxa kale oo aanu u yeedhnay Dr. Cabdiraxmaan Xaaji Cali Ducaale oo isaguna masuul ka ah qaybta Dhimirka ee Cisbitaalka Borama. Waxa kale oo aanu u yeedhnay Dr. Ridwaan Maxamed Cali oo ah Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada ee Gabiley, waxa kale oo aanu u yeedhnay agaasimaha Xarunta Darbi-jiifka ee Maxamed Mooge, Fadxiya Xaaji Saleebaan, dhammaantoodna meesha ayay wada joogaan, waxaanuna ugu talo-galnay in qof walba uu raashinkii la wareego” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray  “Raashinkani guud ahaan waa 340 kiish oo Bariis iyo Daqiiq ah iyo 156 caagadood oo Saliid ah, Inanka Qandaraasey raashinkan, ayaa qaadaya oo mid walba meesheeda geynaya”.[caption id="attachment_91795" align="alignleft" width="400"]aadan1 Muuqaalka Raashinka la bixiyay iyo munaasibada[/caption]




Sheekh Aaden Siiro, waxa uu u duceeyay dadkii soo bixiyey Deeqdan “Waxaanu leenahay dadkaasi waa dadkii ugu jilicsanaa, waa dadkii xanuunsanayey, waa dadkeennii, waxaanu leenahay walaalayaal ILAAHAY waxaa aad soo dirteen miisaanka Xasanaadka ha idiinku daro, maalinta la qatan yahay ee la qaawan yahay, Annaguna sidii aad u soo dirteen ayaanu dadkii u gaadhsiinay…”ayuu yidhi.




Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Dr. Axmed Xaajii Cumar Askar, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dadkaa reer Somaliland ee soo diray Deeqdaa Raashinka ah ee la gaadhsiinayo Cisbitaallad Dhimirka, waxaanu leenahay waad Ku mahadsan tihiin, shaqo khayr ah ayaad samayseen, ILAAHYNA waxaanu ka rajeynaynaa inuu idinka aqbalo sadaqadaa aad la baxdeen…”




Agaasimaha Cisbitaalka Guud, waxa uu u mahad-naqay Sheekh Aaden Siiro “Waxa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa Sheekh Aaden Siiro oo mar walba heegan u ah inuu dadka Jilicsan taageero, aadna ugu dedaalla meelaha dadka jilicsan lagu hayo, sida Cisbitaallada Dhimirka ama meelaha Agoomaha, waxaanu leenahay Sheekh Aaden, ILAAHAY camalkaa aad hayso miisaanka xasanaadka ha kuuu daro….annaguna waxaanu ballan-qaadeynaa inaanu halkii loogu talo-galay geyno”ayuu yidhi.




Dr. Cabdirixiin Cabdillaahi Ducaale, oo ah Isku Duwaha Caafimaadka ee gobolka Saaxil oo matalayey Agaasimaha Cisbitaalka Dhimirka Berbera, ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal kooban “Waxaan jecelahay inaan u mahadnaqo Marwo Foundation iyo dhalinyarada ku nool Waddanka Denmark ee walaalahooda maskaxda ka jiran ee ku jira Cisbitaallada deeqda u soo diray. Waxaanuna u rejaynaynaa in ILAAHAY uu miisaanka xasanaadka ugu daro, waxa kale oo aan u mahadnaqeynaa Sheekh Aaden Siiro oo runtii na soo gaadhsiiye, annaguna waxaanu jeceahay in dadkii baahnaa ee loogu talo-galay sidooda u gaadhsiino”ayuu yidhi.




Munaasibadda deeqdan raashinka ah lagu wareejiyey, ayaa sidoo kale waxa hadallo ka soo jeediya Masuuliyiintii ka socday Cisbitaallada Dhimirka iyo xarumaha Agoomaha ee Hargeysa, Borama iyo weliba Cisbitaalka Qaaxada ee Gabiley.




Muuqaalka Xaflada daawo:-


[youtube http://www.youtube.com/watch?v=sZ_VHVynADk?feature=player_embedded&w=640&h=360]