Sunday, July 27, 2014

Booliska Mombasa oo toogtay Rag hubaysan oo Doon Dal-xiis isku qarxin rabay


[caption id="attachment_91758" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Raga la toogtay Muuqaalka Raga la toogtay[/caption]Mombasa(GNA)-Ciidamada booliska dalka kenya ayaa labo nin ku diley magaalo xeebeedka mombasa ee dalka kenya.




Guddomiyaha degmada mombasa nelson marwa oo warbahiinta lahadlayey ayaa sheegay in labadan nin ay rabeen inay bombo gacmeed ku wereran dooni dad badan sidey oo ku sugnayd xeebta magalada Mombasa.




 waxa kale oo uu sheegay in labadan ay katirsan yihiin ururka alshabaab.




 labadan nin ayaa waxay siteen Bomb gacmeedyo iyo labo baskooladood, waana  muwadiniin u dhashay dalka kenya.




Booliska Kenya ayaa Khamiistii sheegay inay hawl-galo Diyaarado ka qayb qaateen ay ka fuliyeen Xeebta lamu, halkaasoo ay tibaaxeen inay ku soo qabqabteen Hub nooca qaraxyada loo adeegsado ah.




 Cabdiraxmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com