Wednesday, November 6, 2013

Wasiir Muhanad oo Siduu Gaadh uga hayay Siilaanyo iyo Samaale loogu Adimay Madaxtooyada, kana baaqday xil-wareejin lagu amray


Hargeysa (GNA)Agaasimihii Guud ee hore  wasarada Duulista iyo hawada ayaa Maanta xilkii ku wareejiyay Agaasime cusub oo lagu bedelay.




Munaasibadda oo ka dhacday xarunta wasaaradda ayaanu ka qayb-gelin wasiirka Duulista Hawada oo amar lagu siiyay inuu labada masuul xilka u kala wareejiyo.




Agaasimaha Xilka wareejinayay Axmed Dalal Faarax ayaa Nasiib darro ku tilmaamay baqashada Wasiirka Duulista iyo hawadu kaga maqnaaday xafladaasi.




Waxanu yidhi. “Waan Jeclaan Lahaa Sidii ku cadeyd  Wareegtadii Madaxweynaha in Wasiirku ka ahaado Goob joog Xilwareejinta, Hase ahaate Waxaan u Malaynayaa Siyaasiga in ay uga Muhiimsantahay  Shirka  Kulmiye Xilwareejinta Wasaradiisa, Arrintaasina sidda loo arko waxaan u deynayaa dadweynaha Reer Somaliland.”ayuu yidhi Dalal faarax isagoo ka hadlayay munaasibadda.




Dhinaca kale, markii xafladu dhamaatay, waxa labada masuul xilalka u kala wareejiyay agaasime waxed ka tirsan wasaaradda duulista, waana markii ugu horaysay ee arintan oo kale dhacdo.




Wasiirkan oo muddooyinkan dambeba shaqadiisa ku lumiyay ka dhex shaqaynta khilaafka kulmiye, isla markaana u kala dab-qaadayay dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo iyo Madaxweynaha, loolan kalena ugu jira Kursiga Wasiirka Madaxtooyada, ayaa Maanta gaadh ka hayay kulan madaxtooyada ku dhex maray Wasiir Samaale iyo Madaxweyne siilanyo, kaasoo wakhti badan qaatay.




Gobanimonews




Hargeysa  Office




Email: editor@gobanimonews.com