Wednesday, November 13, 2013

Wasiir Cukuse: Abti Muuse Biixiyoow Dadkan isku Uruuri oo Xisbiga kulmiye midee”


Xildhibaano ka mid ah Agoontii UDUB oo ku biiray Kulmiye xili xaasaasiya.



Hargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta hadal ka jeediyay Munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan Golaha wakiillada oo ku biiray xisbigaasi, ayaa talooyin u jeediyay hogaanka xisbiga Kulmiye.



Talooyinkaasi oo la xidhiidha mideynta iyo Uruurinta xisbiga, waxa uu Wasiir Cukuse ku lifaaqay , Hambalyo iyo soo dhaweyn uu sheegay in Madaxweynuhu u diray Xildhibaanadaasi.



Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir, ayaa sidoo kale xildhibaanadaasi ku sifeeyay rag miisaan leh oo difaaci kara qaranimada somaliland, xaqiiqdana taabsiin kara dadka ay naftu u been sheegtay.



“Marka hore waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa Salaan iyo Hambalyo aan idiinka sido Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu ku soo dhaweynayo Xildhibaanadaa ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanan idin leenahay soo dhawaada Ayaanlow.



Waxaan hubaa inaad tihin rag qaranimada somaliland difaaci kara oo Ninka naftu beenta u sheegtay runta u sheegi kara” ayuu yidhi.



Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha xisbiga Kulmiye ee muddooyinka sheegay “Xisbiga Kulmiye hadii uu murmo wuu heshiiyaa waa dhaqan lagu yaqaano, inta yar ee xaal xaalka ahna wuu dhamaysanayaa ee abti Muusow dadkan uruuri , inkasta oo aan Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Talyanle kula sii dardaarmayo, abti muusow Masuuliyadbaa ku saaran Caawwa ee dadkan isku Uruuri oo xisbiga mideeya”.



“Waar Galbeedku isma dilaan hadii ay is dilaana dhakhso uma kala baxaane xisbiga Mideeya, inuu midoobayo shaki kuma jiro oo uu noqon doono xisbi mideysane”ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiir cukuse.



Cabdilaahi Maxamed Daahir, waxa kale oo uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbi Odayaal siyaasadda Rug-cadaadi ku ah leh, kuwaasoo buu yidhi aan looga baqanayn inay xalin kari waayaan khilaaf kasta oo yimaada.



Waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye waa Xisbi Oday leh oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Odaygiisa yahay, Muuse Biixi Guddoomiye ka yahay, Maxamed kaahin ku-xigeen ka yahay, Cabdiraxmaan Talyanlena saraakiishiisa sar sare ka mid yahay”.



Dhinaca kale, raxan Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiillada ayaa ku biiray xisbiga Kulmiye ee talada haya, kuwaasoo badankoodu ka soo jeeda Gobolka Awdal.



Xildhibaanada waxa ka mid ah xildhibaan Axmed Yaasiin Sheikh Cali Ayaanle oo ka mid ahaa xisbigii Bur-buray ee UDUB, kana mid ahaa xubnihii xag-jirka siyaasada ahaa ee xisbigaasi ku dhaadan jiray xiligii uu jiray.



Waxa lagu soo dhaweeyay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa taasoo ay ka soo qayb galeen hogaanka xisbiga iyo xubno ka ka mid ah xukuumadda.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com