"Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Taliyaha Bilayska oo ku dhawaaqay shuruuc lagu xakameynayo wadeyaasha Gaadiidka"
Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa sharci adag ku soo rogtay waddeyaasha Gaadiidka, si looga hortago badashada shilalka gaadiidka.
Shilalka Gaadiidka ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii kordhayay, waxaana ka dhasha khasaare baaxadle oo naf iyo maalba isugu jira.
Wasiir ku –xigeenka Hawlaha guud iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska ayaa Maanta oo Axad ah kaga dhawaaqay xaflad loo sameeyay xuska Maalinta Caalamiga ee xasuusta dadka ku waxyeelooba shilalka Gaadiidka, in wadeyaasha sharciga waddo marista Khilaafa laga qaadi doono talaabo adag, muteysana doonaan Ganaax culus.
“Maanta laga bilaabo waxa madnuuc ah Gaadiidka Basaska ee Al-baabka laga dego ku leh dhianca Laamiga, sidoo kale waxaanu sanadkan bilaabaynaaa shirabaada gaadiidka oo gaadiidka lagu tijaabinayo inuu dhamaystiranyahay iyo in kale, waxa kale oo aanu bilaabaynaa sugida caafimaadka waddeyaasha Gaadiidka, iyadoo sanad walba la tibaabin doono Caafimaadka wadeyaasha Baabuurta oo inadhahooda iyo maskaxdoodaba la hubin doono” sidaasi waxa yidhi Wasiir ku-xigeenka Hawlaha guud, guriyaynta iyo Gaadiidka Cali Cabdi Saayiq.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Bilayska Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay bilaysku la xisaabtamayaan waddeyaasha gaadiidka.
“Bilaysku iyagoo fulinaya xeerka waddo marista, talaabo adag ayay ka qaadayaan cidii ku xad ugubta shuruucda waddooyinka, waxaanan uga digaynaa basaska ardayda qaada iyo waddeyaasha kaleba inay ku dhaq maan wax sharci jabinaya, cidii jabisana waa lala xisaabtamaaya”ayuu yidhi.
Halkan ka dhegeyso hadalada labada masuul: -