Tuesday, November 19, 2013

Somaliland: Isku shaandheyn Xisbiga Waddani isugu Sad-buriyay oo la laalay


Hargeysa (GNA)-Shirgudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa laalay isku shaandheyn uu dhawaan Guddi hoosaadyada aqalkaasi ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).




Cabdiraxmaan Cirro ayaa isku shaandheynta uu sameeyay ugu sad-buriyay Xisbigiisa, waddani oo sida la sheegay uu doonayo inuu ka dhex nooleeyo Golaha wakiiladda.




War-saxaafadeed ay maanta si wada jir ah u soo saareen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed, ayaa lagu qeexay qodobada loo cuskaday laalista Guddi hoosaadyada Golaha wakiillada.




Laba xubnood ee shir-guddoonka ayaa sheegay in aanay sharciga waafaqsanayn isku shaandheyntii lagu sameeyay Guddi hoosaadyada, waxaanu qoraalkoodu u dhignaa sidan:-




 “Markii aanu arragnay qodobka 18-aad, fiqrada 5-aad ee xeer hoosaaska Golaha Wakiiladda oo u qoran sida hoos ku cad “Xubnaha Guddida la iskuma shaan-dheyn karo sanadka u horreeya iyo ka u dambeeyaba ee mudada Golaha Wakiiladda, mana banaana in xubnaha Gudida dhammaantood la wada bedelo  mar kaliya”.




Sidaas daraadeed, waxaanu xubnaha Golaha Wakiiladda la socodsiinaynaa iyadoo la raacayo qodobka 18-aad fiqrada shanaad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda ee kor ku xusan in la qaatay qodobadan hoos ku qoran:-




 




1)- In isku shaandheyntii la joojiyay




 




2)-In Guddidu ahaanayaan sidii hore illaa amar dambe




 




3)-In Guddiyadu soo dhamaystiraan xeerarkii ay hore u hayeen




 




4)-In Isku shaandheyn la samayn doono markay haboonaato, iyadoo xeerarka la waafajin doono.




Arrintan ayaa muujinaya Khilaaf hor leh oo ka dhex curtay Shirguddoonka Golaha Wakiillada, kaasoo sida muuqata salka ku awood ku kala yeelashada Golaha wakiillada.




Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ayaa Loolan ba’an ugu jira sidii ay Guddoomiye Cirro uga soo saari lahaayeen Aqalka wakiillada sideed sanadood iyo ka badan oo madax ka ahaa ka dib.




Doodda iminka bilaabantay ayaa u muuqata tii dariiqa u xaadhaysay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Guddoonka wakiilladana u sareeya debada loola soo baxo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com