Tuesday, November 12, 2013

Somaliland: Dawladda oo warar is-khilaafsan ka bixisay Khasaaraha Roobka Duufaanka


“2 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Roobabka Galbeedka iyo Barriga ka da'aya”




Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in laba qof ku dhinteen Roobabka labadii caano maal ee ugu dambeeyay ka da’aya Gobolada Somaliland.




Wasiirrada arrimahad Gudabadda Cali Maxamed Waran Cade iyo Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo gelinkii dambe ee Maanta warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay inay ka xunyihiin dhibaatooyinka ka dhacay Goboladda Puntland ee dhashay Duufaanka.




Labada qof ayay sheegeen inay ku kala dhinteen Oodweyne iyo Deegaamada Gobolka Selel.




“waxaanu ka xunaha masiibada ku dhacday walaalahaga reer Puntland wixii aan ka gaysan karrana waanu ka gaysan doonaa” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Cali maxamed Waran Cade.




“dadka waxaan ku waaninayaa inaysan safrin oo aanay gaadiidka raacin diyaaradaha iyo gawaadhidaba maadaama ay roobabkii ishaystaan badda iyo berrigaba”ayuu yidhi Cali Maxamed Waran Cade.




Wasiirka ayaa sheegay  sheegay inay ilaa hada Somaliland dhinteen laba qof oo mid ku dhintay dhanka Oodweyne midna uu ku dhintay xagga gableedka islamar kaana ay biyo badani sabaynayaan magaalada xeebta.




Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland waxa sheegay inay dawlad ahaan itaal soconayaan laakiinse aanay haysan awood ay masiibooyinkan kaga hortegi karaan “tabar badan mahayno oo waxaanu nahay dee Dawlad aanu caalamku aqoonsanayn balse waxaanu ku dadaali doonaa hadii ay masiibadu intaa ka soo badato inaanu caalamka kale u qaylo dirsani oo aanu ku nidhaani waar na soo caawiya” ayuu yidhi Cali Waran Cade.




 “intaa kadib uba sii dulqaadan karro aqoonsi la’aanta Somaliland markaa beesha caallamka waxaanu ka sugaynaa inay aqoosadaan Somaliland si ay arrimeheeda uga mid noqoto caalmka kale”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isna dhacdooyinkan ka hadlay.




Hay’adda ka hortaga Masiibooyinka Somaliland oo ka hadashay Roobabka




Dhanka kale, Hay’adda Ka hortagga masiibooyinka Dabeeciga ah  ee Somaliland ayaa warbixin ka bixisay xaaladda cimilada iyo duufaanada ka dhacaya Gobolka Geeska Afrika oo weli ka socda meelaha qaarkood.




Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka Somaliland Md. Maxamed Muuse Cawaale oo u warramay wakaaladda wararka Somaliland ayaa sheegay in dabaylaha iyo roobabkan is huwani ay yihiin nooc gaar ah oo ka mid ah cimilooyinka yimaadda waxana uu magaceeda ku sheegay (TROPICAL STROM-038)




Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in dabayshan qoyan lagu magacaabo Cyclon, ayna ka soo kacday biyaha Badweynta Hindiya, iyadoo halkii ay dariiqeedii ku sii socon lahayd u soo baydhay dhinaca geeska afrika sida Somalia oo ay ku dhufatay magaalooyinkii xeebaha Bariga, khasaarena gaystay,




Maxamed Muuse Cawaale oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay dabayshu iyadoo aan itaal badan lahayn ay soo gaadhay xeebaha bari ee Somaliland iyo meelo ay ka mid tahay Magaalada Ceerigaabo,lagana dareemayo ilaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo qoyaankeedu u soo tallaabay




Dhanka kale, Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in illaa hadda aanay ka war haynin cid wax ku noqotay Somaliland gudaheeda, laakiin uu guud ahaan dalka ka jiro Qabow iyo dhaxan aan noociisa hore loogu arag deegaanadan.




Dhanka kale, sida laga soo sheegayo deegaamo ka mid ah gobolka Selel, roobab dabeylo wata ayaa sababay khasaare nololeed iyo mid duunyo.




Deegaanka Cali-xaydh ayaa lagu soo waramay inuu roobab dabaylo wataa dad ku dilay, laakiinse wali lama hayo tirokoobka khasaaraha dhabta ah ee uu geystay.




Roobabka ka da’ayay Magaalada Hargeysa ayaa abaaro lixdii Galabnimo ee caawa yara kala qaaday, inkasta oo wali cirka daruuro ku xidhanyihiin.




Ma cadda ilaa hada sida ay wax noqon doonaan iyo in cilamadu sidan sii ahaan doonto iyo in kale, inkasta oo la hadal hayo in ilaa khamiista roobabku sii di’I doonaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com