Thursday, November 14, 2013

Somaliland: Cabdiraxmaan Cirro iyo Dr Cali Yuusuf keebaa Qaldan oo Qar-jafaya?


Xukuumadda oo u Hub Uruursatay sidii  Guddoomiyaha Wakiillada xilka looga qaadi lahaa




Hargeysa(GNA)-Todobaadyadan waxa isa soo taraya diidmada ay Muxaafidka Xukuumaddu kaga soo horjeedaan Shirka wada-tashiga qaran ee ay Xisbiyadda Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani ku baaqeen.




Xisbiyadda Mucaaridka ah ayaa 14 Bisha December ee dhamaadka sanadka 2013, u mudeeyay shir ay ugu magac dareen Wada-tashiga qaran, kaasoo ay ku wareejiyeen siyaasiyiinta la baxday Madasha wada-tashigu.




Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Dr. Cali Yuusuf, ayaa Maanta oo Arbaca ah Warbaahinta u sheegay inay sharci daro tahay shir qarameed aan Madaxweynuhu Iclaamin oo aayaha dalka lagaga hadlayo.




“Shir qaran waxa la qaban karaa uun marka xaalad khasbaysaa jirto ee Madaxweynuhu iclaamiyo, laakiinse xisbiyada mucaaridka ahi awood uma laha”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf oo daba socda hadalo lagu beyaamiyay shirka mucaaridka oo Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ka soo yeedhay.




Dhinaca kale xubno isugu jira Siyaasiyiin uu ka mid yahay Aadan Cilmi Dhoole yare Wasiirkii hore ee Cadaalada xukuumaddii Rayaale iyo rag kale ayaa maalmahan laga arkayay Shaashadaha iyo Warbaahinta kala duwan, iyagoo hadalo diidmo ah kaga fal celinaya Iclaaminta shirkaasi.




Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo inta badan madaxda sare ee xisbigaasi ayaa xaaraan ku tilmaamay shirka wada-tashiga Qaran.




Ma jiro wax jawaab celin ah oo ka soo baxday xisbiyada Mucaaridka ah, balse sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil sar-sare oo mucaaridka ka tirsan, dooda xukuumadda iyo xulafadeeda dhego jalaq uma siinayaan.




Waxa muuqata inay xukuumaddu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayso sidii ay baajin lahayd shirkaasi, balse xisbiyadu uma muuqdaan kuwo tanaasulaya.




Arrimaha siyaasadda ayaa ugu badan qodobada lagaga doodayo shirkaasi, mucaaridkuna waxay leeyihiin ma jirto duruuf u diidaysa inay dawladdu ka soo qayb-gasho.




Guddoomiyaha Golaha wakiillada, ahna  Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa todobaadkii hore magacaabay Guddida qaban-qaabada shirka ee dhanka xisbigiisa, Ucid-na maalin ka dib ayay magacowday.




Laakiinse arrinta doodda dhalisay ayaa ah Guddoomiye Cirro iyo ku-xigeenkiisa Golaha wakiillada ayaa ku kala aragti duwan qabashada shirweynahaasi, waxaana y taasi muujinaysaa kala socosho siyaasadeed oo xisbinimada salka ku haya.




‘arrintaasi ayaa saameyn ku yeelan karta wada shaqaynta shir-guddoonka wakiillada ee xisbinimada isku khilaafay, hadaanay arimuhu si kale noqon ama aan meel dhexe wax iska bedelin beriyada soo socda.




Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqata inay usbuucyadii ugu dambeeyay u hub Uruursanayso sidii ay xilka Golaha wakiilada uga riixi lahayd Cabdiraxmaan cirro, waxaana dareemo hore oo jiray sii tahkiidinaya xildhibaano ka hadhay Xisbigii burburay ee UDUB iyo kuwo Ucid ka digo rogtay oo shalay ku biiray Kulmiye.




Xisbiga kulmiye ayaa sheegay inuu saddex meelood marka loo qaybiyo Golaha wakiillada laba ka mid ah uu haysto, taasina waa hanjabaad ku socota Xisbiga kale ee waddani oo ku soo xiga tiro ahaan marka la eego mudaneyaasha Golaha wakiillada.




Waxaanay leeyihiin hadii ay sidaasi tahay way fududahay in Cabdiraxmaan Cirro Kursiga laga riixo, isla markaana bedelkiisa Kulmiye qabsado.




Shir-guddoonka golaha Guurtida ayaa u Janjeedha dhinaca Xukuumadda, isla markaana ku biiray Kaadiriinta Xukuumadda wax walba ku taageera, sida guddoomiye Saleban Maxamuud Aadan hadalkiisa laga dhadhansayay todobaadkii hore.




Sidaasi darteed hadii ay dhacdo in Shir-guddoonka Golaha wakiilladana Xisbul Xaakimku la wareego, waxa meesha ka baxaysa isla xisaabtankii xukuumadda iyo Golleyaasha sharci dejinta, taasoo Naaqusaysa hanaanka dawladnimo ee Dastuuriga ah (Check and Balance).




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com