Burco (GNA)- Xaflad baladhan oo lagu daahfurayay idaacad cusub oo 24 sacadoodba laga dhagaysan-doono quraanka kariimka ah oo fm ah ayaa maanta lagu qabtay gudaha magalada burco.
Hir gelinta ideecadan cusub waxa iska kaashadday wasaaradda warfaafinta iyo shirkadda is gaadhsiinta ee telesom oo door muuqda ka qaadatay.
Munaasibad baladhan oo loo sameyay furitaanka idaacadani quraanka kariimka ah waxa ka soo qayb-galay agasimaha guud ee wasarada warfaafinta,masuuliyin ka socota shirkada isgadhsinta telesom,maayirka degmada burco,gudomiye ku xigenka g/togdheer, culimo aw diin. Iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Maxamed cabdi axmed oo oo ka mid ah masuuliyinta shirkadda isgaadhsinta telesom oo ugu horayn xafladaasi ka hadlay ayaa fahfahin ka bixiyay qaabka ay u shaqaynayso idaacadani quraanka ah iyo waliba shirkad ahaan kaalin buuxda ee ay ka gaysteen hirgalinteeda.
" runtii fikirka aasaska idaacadani waxa noola yimi wasarada warfaafinta s/land shirkad ahaana waanu ka aqbalnay ilaahay mahadii maanta waa guul wayn oo la gaadhay.shirkada isgaadhsinta telesom waa shirkad wayn oo mar walba diyaar u ah horumarka dalka waxaanu qayb wayn ka qaadana dhinacyada waxbarashada.masaajidada.malcamadaha iyo waliba hirgalinta wadooyinka dalka.shirkada telesom waxay hore u samaysay barnaamij la dhaho aqoon-yahan oo ay wax ku bartaan dad aad u tiro badani iyagoo jooga guryahooda" ayuu yidhi masuul ka socda shirkadda telesom
Maayirka degmada burco maxamed muraad oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay guul ay gadheen wasarada warfaafinta iyo shirkada telesom oo uu shegay inay qayb wayn ka qaadatay hirgalinta idaacadani.
Waxaanu maayirku bulshada reer burco usoo jeediyay inay ka faidaystaan muhiimada ay idaacadani quraanka ahi u leedahay bulshada.
Gudomiye ku xigeenka gobalka togdheer maxamed maxamuud yusuf (ubaxle) oo halkaasi ka hadlay ayaa isna dhinaciisa xusay in idaacadani maanta lagu daahfurayo gobalka togdheer ay bulshada gobalkaasi naawilayeen mudooyinkii u danbeyayba waxaanu badhisaab ku xigeenku dhinaciisa balanqaaday inay maamul ahaan soo dhawaynayaan hirgalinta idaacadani quraanka kariimka ah,
Isu-duwaha wasarada diinta iyo awqaafta gobalka togdheer.culimo aw diin iyo marti sharaf kale oo aad u tiro bdaan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantod soo dhaweyay idaacadani quraanka kariimka ah.
Gaba-gabadii waxa halkaasi ka hadlay Agasimaha guud ee Wasaarada warfaafinta, dhaqan iyo wacyi-galinta somaliland Cabdi-rashiid Jibriil Yuusuf, waxaanu sheegay inay Wasaarad ahaan doonayaan inay dalka oo dhan wada gaadhsiiyaan Ideecada Quraanka.
" rajada iyo hadafkayaga dhow ka wasaarad ahaan waxa weyaan in dhamaanba la gaadhsiyo gobalada dalka oo dhan idacada quraanka kariimka ah,idaacadda quraanka kariimka ah intii aanu hore laga dhigin fm-ta waxaanu galinay qaybta satellite si ay idaacadu caalamka u gaadho dhawaana insha-allah waxaanu rajaynaynaa inaanu idaacada u samayno website gaar ah si halkaasi looga dhagaysto quraanka kariimka,gobalka togdheer wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo gobalkii labaad ee laga furo idacadaasi hambalyo ayaan reer burco leeyahay.runtii waxaan amaan baladhan usoo jeedinaynaa shirkadda isgaadhsinta telesom oo kaalin muhiim ah ka qayb-qaataday sidii ay u hirgali-lahayd idaacadani quraanka kariimka ah" ayuu yidhi agasimaha guud ee wasaradda ee wasarada warfaafinta s/land.
Ideecadan ayaa la filayaa in sidoo kale laga hir-geliyo Goboladda Awdal iyo deegaamo kale mustaqbalka dhow.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office