Waa ninka saddexaad ee dastuurka dalka u jideeyay hab maamuuska qaranka, sidaasi darteed waxa uu fursad weyn u haystaa inuu saacada iyo amminta uu doono madaxweynaha dalka dhacsiiyo wixii tallo ah, dhaliil ah ee uu jecel yahay in la baylah-tiro.
Haddaba, maadaama oo jaaniska intaas leeg uu haysto Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) maxaa ku ajburraya inuu duuduub ku liqo qadhaadhka kiniin aanu dhakhtar u qorin, hase yeeshee uu u soo waariday saaxiib danno siyaasaddeed leh oo miidaanka siyaasadda ka waayay xisbi siyaasaddeed sharci ah oo u saamaxda inuu xukuumadda ka xag-xagto.
lama maqal weli guddoomiyaha WADDANI ahna guddoomiyaha aqalka wakiiladda oo xukuumadda ku haaraamaya inay ka diiday tallo nasteex ah oo mawduuc Qaran lagu toosinayay oo uu ula tagay hoggaanka qaranka.
Waxa kale oo uu si fiican u dareemi karaa farqiga xukuumaddan iyo tii ka sii horeysay marka ay noqoto xaga tallo wadaagga iyo wada shaqeynta togan ee ay la lahaayeen aqalka wakiilada, labadaas xukuumadood haddii uu isu miisaano waxa uu dareemayaa in ladnaantuba u ahayd saddexdii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, iyadoo la suuliyay dhaqankii dhabar u jeedinta Golaha Wakiilada.
Waxa uu Guddoomiyuhu markhaati u yahay in xukuumaddani ay golaha mariso sharci kasta oo dastuurku jideeyay in la horgeeyo Goleyaasha Baarlamaanka, iyadoo maanka ku haysta inaanay xagal daacin awoodaha waaxyaha dawladnimo ee isdheelitiraya islana xisaabtamaya.
Markay sidaas tahay waxay u muuqataa in Guddoomiyaha Wakiiladu uu isku furayo furrimo siyaasadeed oo ay suurtogal tahay inuu ka naas-naasin doono haddii uu ku sii taagnaado jidkan indho isku qabadka ah ee uu cagta saaray.
Tusaale kooban haddii aynu soo qaadanno salaasadii todobaadkan waxa jiray in 11 xildhibaan oo ka tirsan aqalka wakiiladdu ay ku biireen xisbiga tallada haya ee Kulmiye taasi waxay ka dhigaysaa xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa inay haystaan aqlabiyadda Golaha, isla markaana ay tahli karaan inay si fudud xilka uga qaadaan Guddoomiye Cirro haddii ku jiqsiidda uu balaysimo oo aanu iska shaandheyn shugux-shuguxda koox daneedyaddu u lululayaan.
Waxa kale oo u furan inuu u ban-baxo xisbigiisa oo aanu isagoo aan ku hulaabnayn shaadh dawladnimo aanu si hiin raacnimo ah loogu harowsan inaanu ka hadhin xarokaatka iyo xaalada abuurka mucaaridnimo.
Marka si loo jeedaaliyo shirka xisbiyadda mucaaridka ahi qaban qaabinayaan ee ay ku keliyaysteen, wuxuu noqon karaa shir hagaasa oo aanay ka soo bixin qoddobo shilis oo macno leh oo xukuumadda iyo dadweynahaba ka indho qarsan doonaan, hase yeeshee waxa sheekada shirkani saamayn taban ku yeelan doontaa guddoomiye Cirro oo ay ku sii adkaan doonto inuu dhagax kaliya laba shimbirood ku wada dilo.
Xilligan ay labada xisbi mucaarid ku riyoonayaan inay ficil rummooba u rogaan shirkii madashii wada tashiga u soo waariday, waxa uu ku soo beegmayaa xili ay xukuumadda Somaliand u tafo xaydatay horumarinta jidadka dalka oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha oo xukuumadda, goleyaasha iyo dadweynuhuba la iska kaashanayo dhismaha jidka isku xidhaya Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkiisu yahay 370 km, isla markaana ciidamada iyo shaqaalaha dawladda mushaharooyinkii 20% loo kordhiyay sanadka 2014-ka ee fooda inagu soo haya.
Waxa kale oo isla sanadkan sii galbanaya ee 2013-ka ay xukuumadu derajooyinkii ciidannimo ku taxday 10 kun oo askari oo ka kale tirsan noocyadda ciidammada qalabka sida.
Horu-socodkaasi waxa auu mucaaridka ku noqday darbad ka sii fogeynaysa yoolkoodii ay ku beegsanayeen hanashadda awooda dalka.
Si kasta arrintu ha noqotee waxaan eegaynaa waxa mucaaridku ka dheefaan shirkan ay muruq iyo maskaxba geliyeen, iyagoo aan waayin fursaddo ka dhow oo ay xukuumadda tallooyinka ay hayaan iyo tabashadooda ugu gudbin karayeen.
Cumar Maxamed Faarax
Dawan Chief Editor/Voice Chair.