Hargeysa(GNA) Guddomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan (Saleeban gaal) ayaa Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo UCID uga Digay in ay Qabtaan Shirweynaha Tallo Qaran oo ay sheegeen in ay qabanayaan, una saareen gudiyo farsamo.
Saleeban Gaal oo maanta warbaahinta la hadlay Waxa kale oo uu sheegay in Shirweyne Tallo Qaran oo kali ah Madaxweynaha Somaliland Cid kalena aaanay Qaban Karin aan madaxweynah ahayn.
Guddoomiye Saleban ayaa Maalmahan ku mashquulsanaa Xal u helida Khilaafka xisbiga kulmiye, kaasoo uu ugu dambeyntii xal uu ka keenay Wasiir samaale daaqada kala baxayo.
Waxaana markii ka hadlayay khilaaf Xisbiga Kulmiye uu sheegay in haddii Khilaafkoodu sii adkado ay xalin doonaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com