Tuesday, November 12, 2013

Roobab Laxaadleh oo ka Da’ya Djabouti saacado badan


Jabouti(GNA)-Roobab laxaadleh ayaa ilaa saaka da’yay magaalo xeebeedyada waddanka Djabouti, xili isbedel laga dareemiyo Cimilada Mandaqada oo dhan.




Roobabka ayaa si teel teel ah u da’yay gelinkii dambe ee Maanta balse saaka si xoogan u curtay, iyadoo baaxada ugu weyna ee roobabkaasi ay ka da’ayaan dhanka deegaamada ku teedsan xeebta.




Dalka Djabouti ayaa ka mid ah Gobol xeebeedyada Geeska afrika ee ay marto badda Cas,taasoo maalmahan Khubarada sayniska saadaasha Hawadu ka digayeen roobab dabeylo wata oo ka da’aya.




Dad ku kala sugan Goboladda dalka Djabouti ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inaan roobabka saaka curtay wax dabeyl ah lahayn, isla markaana si caadi ah u da’ayaan.




“Dalka jabuuti ayaa waxa saaka ka curtay aad u farabadan roobabka ayaa u daya sidii caadiga ahayd waxayna ka curteen guud ahaan ba dalka jabuuti oo dhan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Sarkaal ka tirsan Dawladda oo Magaalada Jabuuti ku sugan.




Inkasta oo dalka Jabuuti si weyn looga hadal hayo Duufaanta laga digayay maalmihii ugu dambeeyay oo deegaanada Puntland Khasaare balaadhan ka geysatay, hadana ma jirto wax cabsi ah oo dadka iyo dawladdu bixinayaan.




Gobanimonews




DJabouti Office




Email: editor@gobanimonews.com