(GNA)_Kadib weerar xalay lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo uu ku dhintay taliye xigeenkii xabsigaas ayuu Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee maamul goboleedka Puntland Cabdi Casiis Siciid Gacamey maanta shir-jraa’id magaalada Garoowe ku qabtay.
Wasiir ku-xigeenka ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarka, qaabka uu dhacay iyo weliba cidda geysatey.
Wuxuuna sheegay in weerarka ay soo qaadeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, bumbooyinka gacanta iyo weliba garneylada garabka laga tuuro, masuulkan ayaa ku sheegay tirada raga soo weeraray xabsiga dhexe 30 ilaa 40 qof.
Wasiir ku xigeenka oo khasaaraha dhanka ciidamada soo gaarey ka hadlay ayaa sheegay in uu yahay dhimashada hal sarkaal iyo dhaawac soo gaarey 4 kale. Sarkaalka dhintay ayaa ahaa taliye ku-xigeenkii xabsiga, sidoo kale saddexda dhaawaca ah waxaa ku jira taliyihii xabsiga.
Waxaa mararka qaar ka dhaca deegaanada maamulka Puntland iska hor imaadyo dhaliya khasaare sababa dhimasho iyo dhaawac.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan eedeynta Puntland.
Gobanimonews-Disk
Hargeysa-Somaliland