Waxa la ogeysiinayaa dhammaan bulsho-weynta ku nool magaalada Hargeysa in la qabanayo munaasibadda Daah-furka buugga xiisaha badan ee Miisaanka Nolosha ee uu qoray Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan *Haldeeq*. Dhiganahani waxa uu xambaarsan yahay sheekooyin ku qotoma xaqiiqada iyo sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha nolosha. Waxa ka soo qaybgelaya abwaanno, siyaasiyiin, dalladda SONYO, dhallinyaro, qoraayo iyo marti-sharaf badan oo caan ah
Waxa akhriyey diiwaanka MIISAANKA NOLOSHA, si mug iyo miisaan lehna u faaqiday aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo abwaanno waaweyn oo ka yidhi erayadan
Dedaal aan xad lahayn ayaa Maxamed Buuggan geliyay, waxkasta oo lagu hawshoodaana faa`iido ayay leeyihiin. Qof kasta oo Buuggan akhiriyaa, waxa uu ka helayaa faa`iido uu u baahan yahay Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”.
“Qoraagani waa nin dhainyaro ah oo ku raad jooga tii la inna wada fay in aynu giddigeenba baadi goobno ee Xigmadda ahayd, waxan idinku dhiiri gelinayaa in aad iibsataan, waa Buug idin xiise gelin doona e”. Waa kelmeddii:
Dr. Xasan Ciise Jaamac.
Haddii aynu u soo noqono ama milicsano macnaha iyo murtida uu xanbaarsan yahay Buuggan MIISAANKA NOLOSHA ma aha wax la malaysan karo ama muddo gaaban lagu soo min guurin karo, waxa aan shaki lahayn ama madmadaw ku jirin in qoraaga Buugani waa Maxamed Aw Cali Cartane u hibeeyey ururintiisa iyo abyamiddiisa wakhti badan.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyeha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI
Madasha Daahfurku waa Emperial Hotel, Maalinta Isniinta Habeenka Salaasadu soo gelayso taariikhduna tahay 11.Nofember.2013. Goorsheegtuna ku beegan tahay 07;00 fiidnimo.. Wixii faahfaahin waxa aad kala xidhiidhaa
Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan *Haldeeq*0634194095
Siciid Maxamuud Gahayr 063419409