Waxa aan aad uga yaabay warbaahinta reer Somaliland gaar ahaan websityada oo aad ka naxayso sida ay u shaqeynayaanqaarkood indhawaale,halka aanu wax walba ka horeysiin jiray maalmaha qaar wixii samafal ah, waxa aad arkaysaa in qaar websityada ka mid ah ay ka eegayaan qabyaalad ama shakhsi nacayb.
Tusaale aan u soo qaato maqaal lagu faafifay websityada qaar oo loo dhigay in wasiirka madaxtooyada JSL Md.Xisri X. Cali Xasssan uu dhismihii wadooyinka Oodweyne iyo tan aan weli la bilaabin ee hawsheeda hadda loo soo jeedsaday ee Ceerigaabo/Burco uu u wareejiyay waddo kale oo ka bilaabmaysa Berbbera oo ku dhamaanaysa CeelAfweyn,taasi oo la marinaayo sida ay websityadaasi qoreen dhinaca xeebta.
Marka aad eegto warkan waxa xiligan oo 16ka bishan Bariga London lagu qabanayo shirweyn lacag loogu ururinaayo waddada Ceerigaabo/Burco loogu soo beegay dacaayada noocan ah ee xaqiiqada ka fog waxa kuu cadaanaysa in ay tahay xaasidnimo ku fadhida xiqdi iyo xumaan uu qoraha maqaalkaasi kaga xu yahay dhismaha waddada Ceerigaabo/Burco.
Dhabahaantii way jiraan dad wax ma garato ah oo u arkay in dawladu ay markii hore waday waddada Oooweyne /Burco oo ay hadda uga guurtay tan Ceerigaabo/Burco,kuwaasi oo khalad ka fahmay in waddada Oodweyne ay tahay mid ay bilaabeen dadweynaha reer Oodweye/Burco oo ay la mid tahay kuwa ka socda galbeedka sida Hargeysa/Salaxley,Hargeysa/Baligubadle ama tan dawga cad oo ay dawlada dhexe ka geysanayasay oo keliya gacan,haseyeeshee uu madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” u arkay in muhiimadda ugu weyn ee isku xidhka dalka ay tahay in gobolka weyn ee ah 33% bedka dalka ah lagu soo xidho dalka intiisii kale,taasi oo muhiimad weyn u leh qaranimada reer Somaliland,isa markaana uu fulinteeda u xilsaaray madaxweynuhu gudi heer qaran ah oo uu horsed u yahay wasiirkan lagu aflagaadeynayo dedaalka uu ugu jiro hawsha baaxadaa leh ee uu qarankan u qaaday.
Runtii aniga in aan difaaco Wasiir Xirsi igama aha,waayo haddii maagis la maagaa ama xasid uu wax ka qaadayo qalinka iyo maykarafoonku cagta kama dhigaan waxa aay xagiisa ka tahay maqaal laga qoraa ama hees loo tiriyaa “waxaan ku dilinba adeyg baa laga qaadaa”,haseyeeshee waxa aan qalinka u qaaday in bahda aan ka midka ahay aan uga nasteexeeyo waxa keenaya in bulshadu ku nacdo saxaafada qoraal doqonimo uga dhacay,gaar ahaan in mid ka mid ah hay’adaha warbaahintu ay ka hortimaado mashruuc samafal oo ay bulsho ummaddeena ka mid ah isku kaashato socodsiintiisa ama ay xukuumadiba usha u qaado sida tan ay maanta ugu sido xukuumadeena hadda joogta.
Nin ama inan masuul ah waa la dhaliili karaa,laakiin maaha in nacaybku uu ku hogaamiyo ama hinaasuhu ood ka hortimaado wanaaga uu qofka aad neceb tahay wax ka wado,taasi haddii ay ku hogaamisana ogow maahid saxafi xalaal ah ama saxaafad dhawrsan waxaanad halis ku tahay karaamada saxafiyiinta kale e mihnadan quuta ama ay huga u tahay,in lagu saxo oo qalinka wanaagsan uu kaa horyimaadana waa mid furan,inaad isa saxdaana ka roon,inta aan lagu sixin.waxa aan halkan uga mahadcelinayaa websitka oodweynenews oo iga aqbalay in uu warkaasi been abuurka ah ka saaro bogiisa waxana aan halkan uga soo jeedinayaa kuwa qoray ee aan ka saarina in ay dhega nuglaadaan oo ay ka saaraan,muhiim ma aha inaan halkan aan m agacyadda kuwa qoray ka sheego,balse wa xa kuwa ka saaray aan uga mahad celin doonaa xaflada dhexdeeda,kuwa ka dhega adeeygayna waan ka sheegi doonaa magacyadooda.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxa looga fadhiyaa warbaahintu in ay isa saxdo oo ay inteeda xuna farta ku fiiqdo,haddii kale waxa ya noqon doontaa in ummaddu ay nala colowdo oo ay siyaasiyiintuna fursad inoo helaan.
Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”
Gudoomiyihii hore ee SOLJA