Muqdisho(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom.
labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta xariirka dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa geeska Afrika.
Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay gabagabada kulankan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kala hadlay Wasiirka iskaashiga labada dal, gaar ahaana arrimaha Amniga iyo siyaasada.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Saacid uu uga mahadceliyay dawladda Itoobiya dadaalkeeda ku aadan nabadeynta iyo xasilinta dalka, wuxuuna si gaar ah ugu ammaanay kaalintooda ciidan iyo taageerada la dagaalanka argagixisada.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlayay kulanka ayaa xusay in dawladda Itoobiya ay mar kasta ka go’antahay garab istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo jawi isu soo dhowaansho iyo nabad ku wada noolaansho.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa ka qeybgali doono munaasabadda gabagabada shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka, halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad ku adan aragtida dowladdiisa ee nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha Ethiopia waxa uu la kulmay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee somaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasoo ku qaabilay Madaxtooyada.
Faahfaahin dheeraad ah lagamayo waxay labada dhinac ka wada hadleen, laakiinse waxa la sheegayaa inay isla soo qaadeen qodobo ku saabsan amaanka dalka iyo sidii Itoobiya ay u sii wado lahayd Taageerada dhanka amniga ah ee ay siiso somaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta Jubboyinka oo ay dawladda Itoobiya saameyn badan ku leedahay, waxaanay taasi qayb ka tahay imaanshiyaha masuulkan Itoobiya ee Muqdisho.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com