Sunday, November 10, 2013

Mid ka mid ah dablay weeraray Maxamed Kaahin oo la qabtay


Hargeysa(GNA)-Bilayska somaliland ayaa la sheegay inay soo qabteen Mid ka mid ah Rag hubaysan oo maanta weeraray Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin.




Nin magaciisa lagu sheegay Maxamed oo ahaa Ninka labaad ee weerarkaasi lagu eedeynayo ayaa bilayska laga soo xigtay in la qabtay, halka kii kalena lagu daba joogo.




Waa weerarkii ugu horeeyay ee sanadihii ugu dambeeyay lagu qaado masuul miisaan siyaasadeed huwan.




Dadka lagu eedeynayo Weerarkan ayaa kuwo aqoonin ah oo la garanayo, laakiinse ilaa hada ma cadda sababta ay u hujuumeen.




Maxamed Kaahin, ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Kulmiye ee la safan dhinaca hogaanka xisbigaasi, isla markaana ka mid ah raga u tartamaya jagadaasi inay mar kale ku soo noqdaan, shirweyna xisbiga.




Gobanimonews




Hargeysa Office