GNA_Manchester City ayaa sii labo jibaartay xiisaha ay u qabto in ay wadahadalo la furto xidiga kooxda Real Madrid Sami Khedira, kaasi oo ay dooneyso in ay ku soo iibsato 30 milyan oo gani, sida uu soo wariyay Sunday People
Qandaraaska Khedira ee Bernabeu ayaa waxaa uga hadhay 20 bilood waxaana Real ay dooneysaa in ay sii heysato xidigeeda qadka dhexe oo waqtigan muhiim u ah.
Real Madrid ayaa damacsan in Khedira uu buuxiyo booska Xavi oo muddo hal sano ah uga dhiman yahay heshiiska uu kula joogo kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimada.
Xavi ayaa waxa uu gacan haadinaya tababarihiisii hore ee Jose Mouirinho kaasi oo doonaya in uu geeyo galbeedka Magaalada London.
Macalinka cusub ee Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa si weyn u la dhacsan qaab ciyaareedka Khedira waxana uu wali ku hayaa booskiisa kooxda iyada oo sidoo kale Madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu xidhiidh wanaagsan kala dhexeeyo xidigan caalamiga ah ee reer Germany.
Laga garanayo sida ay kooxda Manchester City ugu suurta gali doono soo helida laacibka reer Germany Sami Khedira, laakiin kooxdu waxa ay cadeysay in ay xiiseynayso la soo wareegitaan kiisa.