Tuesday, November 12, 2013

Madaxweyne Xasan:Gurmad deg-deg ah lala soo gaaro dadka Duufaantu ku habsatay"


Muqdisho, 11 November 2013  - (GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta wuxuu si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay Somalia, gaar ahaan xeebaha Puntland.




In ka badan boqol ruux ayaa ku dhintay Roobab Dabeylo wata oo ka da’aya Deegaamada Xeebaha Puntland, khasaare kale oo aan tiro koob lagu hayna waa ka dhashay.




Deegaamo kale oo ku yaala dhul xeebeedka Geeska afrika gaar ahaan Somaliland iyo deegaamo kale ayaa laga soo sheegayaa in bara kac ay sababeen roobabka laxaadka leh ee halkaasi ka da’ayaa, ka dib markii saraakiisha dawladdu digniin ku siiyeen duufaanta.




Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku sheegay qoraal laga soo saaray Vila Somaliya Caawa"Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la'aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan wallaalahooda."




 




 “Waxaan EEBBE uga baryayaa dhammaan intii ku geeriyootay inuu janadii ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeena uu samar iyo Iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha. “  Duufaanta xoogga leh ee wadato roobab waxey khasaare weyn u geysatay degaanada xeebaha Puntland, Somalia oo xoolo, duunyo iyo khasaare nafeedba ay geysatay”ayuu yidhi.




 Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri "Waana inaan u wada gurmanaa oo aan waxba la harin".




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com