Tuesday, November 19, 2013

Maansada Baxnaano iyo Qabyaalada! W/C: Abwaan Cali Dhanaaniye


Jiifto ka hadlaysa Qabyaalada




 




27-07-2011




 




Ragganimada Somaalidu Saddexbay u qaybisay waxayna tidhi:




 




Raggu  waa 3




 




1.     Keligii nin




 




2.     Ragg Ku nin




 




3.     Qabiil ku nin




 




Waa maanso muujinaysa daciifnimada qabyaalada iyo gocorka xun ee ku gabanaya,  waa maanso muujinaysa dedaalku inuu yahay horumarka nolosha, waa maanso muujinaysa umaddani waxay hantida u lahayd iyo sida ay maanta u halaabeen ee aan looba dareen sanayn , waa maanso ku baaqaysa in fadhiga laga kaco oo wax la wada qabsado dadkuna is kaashadaan oo il keliya wax lagu wada arko, waa maanso dhalinyarada ku boorinaysa inay dunida ku baraarugaan oo facood la tar-tamaan, waa maanso yasaysa oo buquujinaysa ninka ku gabada qabyaalada waxayna dadka tusaysaa qofka liita ee bilaa aqoonta ahi inuu yahay ka huwan ee xanbaarsan qabyaalada,  waxana aan ku bilaabay sidan.




 




Ogow bisinkiyo quraanka




 




Aqoontiyo baahinteeda




 




Inaan beri hore bilaabay




 




Anoo beybiyoo caruura




 




Ga,diyo baaleyda maanso




 




Barteediyo furaha taabtay




 




Abwaanada baal ku yaala




 




Suugantooduna bislaatay




 




Booskoodii inaan la joogo




 




Berina u hadhaayo meesha




 




Ba,diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




abyaaladu waa belaayo




 




Belaayona looma baahna




 




Badheedhe nimaan lahayn




 




Baqiyo fulaybaa ku dhuunta




 




Ka shiisu nimay baqayso




 




Ayaa bidoo ciirsi mooda




 




Dadkaygoow samaha beero




 




Dadkaygoow xumaha baaji




 




Dhulkeeniyo nabada baano




 




Afkeeniyo baaxadiisa




 




Hidiyo dhaqankeena buuxa




 




Ka baaji inuu halaabo




 




Ba,diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




 




Baleeg arimaha ku seegay




 




Talooyinka baalka weecday




 




Hadaanad taab ka buuxsan




 




Ogow beri waad baslayne




 




Taariikhda abaaday raadi




 




Wixii beri hore caraabay




 




Ku soo qoro buugag waara




 




Bar-baareey dhaqanka suuban




 




Ka daaya badheedhka maanta




 




Ba,diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




 




Bar-baareey maagid maaha,




 




Dagaal iyo buusna maaha,




 




Banaan tooc-toocsi maaha,




 




Dadkoo runta loogu baaqo




 




Ba,diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




 




Baftiyo saddex qaydi meeye




 




Dhacliyo boqorkeeni aaway




 




Bal,dhiishiyo haanti soo day




 




Hadhuubkii baxnaa la waaye




 




Bacbaa booskii ka qaaday




 




Beribaa lala roorayaaye




 




Ba, iyo hoog yaala weeye




 




Ayaan daro baahday taa dheh,




 




 




 




Ba,diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




 




Bar-baareey inaad dedaasho




 




Banaan bax hubaysan qaado




 




Dalkeena wixii bilaaya




 




Danteena wixii bogsiiya




 




Afkiyo dhaqankeena baahsan




 




Handheer ku bariidinaaya




 




Inaan wada baadi doono




 




Bulshooy waa argtideena




 




Ba,diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




 




Iskaashigu waa badhaadhe




 




Nolosha lagu baadi goobo




 




Barwaaqiyo horumarkeena




 




Bulshadu dhidig iyo laboodna




 




Ku buuxiso baylahdeeda




 




Aduunka ragaa banaystay




 




Badiyo berigaba ku foofay




 




Bishiyo meerahaba gaadhay




 




Tacliin bay weheshadeene




 




Halkay joogaanba beegso




 




Bareejo ku hay ayaamo




 




Dabeed bar-barkooda dhaafba




 




Ba, diyo baydkaa afmeeray




 




Wixii hadhay aan bal dheehdo




 




 




 




Bar-baareey badi xasuusta




 




Halkaynu bar joognay waayo




 




Aduun bar ku gaadhimaayo




 




Baxnaanee kaydka duugan




 




 




 




 




 




 Emailkan iigu soo dir wixii talo iyo tusaale ah




 




Waad mahadsantihiin




 




 Dhammaad...