(GNA) Baadhitaan Dheer Iyo Xog-ururin ay samaysay dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday in kala badh haweenka adduunku aanay ku kalsoonayn muuqaallada wejiyadooda Ilaahay u abuuray,
Hadaba Xogtan oo laga ururiyey 88% ka mid ah haweenka Britain, waxay badankoodu sheegeen in aanay ku kalsoonayn quruxda wejigooda ilaah u dhaliyay, isuna maleeyaan mar walba inay gaboobeen, halka in yar oo ka mid ahna caddeeyeen inay quruxdooda ku qanacsan yihiin ayna isku kalsoonyihiin,
Lakin Waxa dumarka quruxda u sameeyaa waa kalsoonida, waxaan heerka nololeed ee ugu fiican gaadho markaad aqbasho waxa Ilaahay ku siiyey ee muuqaalkaaga ah. Waxa jira dumar badan oo aan da, ahaan weynayn, balse inta badan ku mashquula inay isa sii qurxiyaan isna cajabiyaan Sidaa waxa tiri Gooodwal oo ah 36 jir ka tirsan haweenka ka qayblay daraasaddan la sameeyay laguna ogaanayay quruxda dumarka ay leeyihiin,
Mrs. Helen Williams oo 38 jir ah ayaa iyaduna xustay in inta badan haweenku ku mashquulaan habka muuqaalkoodu u egyahay, kalsooni-darro quruxdooda ka haysa awgeed aanu si aad ah u eegaan dhabanada wajiga kor ilaa hoos iyo labada gacmood,
Xog-ururintan oo ahayd mid koox-koox dumarka loogu weydiinayey kalsoonida ay ku qabaan muuqaalkooda guud ee jidh ahaaneed oo dawladda Ingiriisku olole ugu jirto sidii dumarka loogu dhiirrigelin lahaa inay ku kalsoonaadaan suuradda Ilaahay u khalqay, isla markaana aanay is-dhalan rogin, waxa ka soo baxday in haweenku cabsi badan ka qadaan muuqaalkooda mar kastoo ay muraayada isku daawadaan,
Ha yeshee Ololahan dawladda Britain ku dhisayso kalsoonida quruxda haweenka, ayaa sidoo kale qayb ka ah shirar la doonayo in lagu qeexo waxa dhaqan ahaan quruxda dumarka dalka Ingiriisku tahay, iyada oo laga eegayo dhinacyada da,da iyo muuqaalka guud ee jidhkooda,
Mrs. Jo Swing oo ah Wasiirka Haweenka iyo Sinnaanta, madaxna ka ah mashruuca dawladda haweenka ku dhiirrigelinayso , ayaa sheegtay in dumarku markay kor u dhafaan 40 jir ay kalsoonidu ka lunto oo aanay quruxdooda aaminin, iyada oo intaa ku dartay in waqtiyadan ay ku soo biireen dumar dhallinyaro ah oo aan iyagu quruxdooda kalsooni ka muujin oo wejiyadooda dhalan roga si ay qurux u helaan balse ka dhaxla dhibaato aaney kaso kabsan karin,
Ugu danbeeyntii Waa arrin aad u ballaadhan oo qarsoon, taasoo marka la fahmo u baahan doonta in tallaabo laga qaado, waxaana su,aalayaa dhallinyarada haweenka ah ee aan kalsoonida ka muujin quruxdooda ee ku dhex milmay quruxda dad-sameega ah ee shirkaduhu soo saraan sababaha arrintaas ku kellifa iyagoo haysta qurux dabiici ah,ayey tidhi Mrs. Jo Swing wasiirada haweenka iyo sinaanta dalka britin,
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com