Hargeysa(GNA)-Magaalada Hargeysa ayaa caawa ilaa xalay amaanka aad loo adkeeyay, inkasta oo ay bilihii ugu dambeeyayba baadhitaano dheeraad ah gaadiidka lagu samayn jiray xiliyada Habeenkii.
Bilayska ayaa Is-goysyada iyo goobo kale oo muhiim ah Gaadiidka ku baadhaya, iyagoo baadhitaanada ugu xooga badan ka samaynaya Jidka Wadnaha ee Magaalada.
Jidadka waaweyne e Magaalada ayaa la arkayaa iyadoo Gaadiid badan lays-daba taxay, isla markaana Bilaysku baadhayaan.
Saaka arroornimadii hore ayaa sidan oo kale baadhitaano xoogan looga waday Waddooyinka waaweyn ee Magaalada, xiligaasoo ahayd wakhti dadku sii shaqo tagayeen, isla markaana Socodku aad u badnaa.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka oo la xidhiidha sababta baadhitaanada dheeraadka ah dhalisay, balse saraakiil ka tirsan Laamaha amaanka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay maalmihii ugu dambeeyayba jireen dareen cabsi dhanka amniga ah, sidaasi darteedna nabad-gelyada magaalooyinka la adkeeyay.
Sarkaalka ayaa sheegay isagoo ku jira hawl-galka Baadhista in hawl-galkani qayb ka yahay qorsheyaasha lagu sugayo nabad-gelyada.
Xalay saacadihii dambeya ayaa la soo wariyay inay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ka dhaceen qaraxyo aan saameyntooda la xaqiijin.
Dhinaca kale, maanta ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Rag hubaysani weerar ku qaadeen, kuwaasoo aan wax dhibaato ah gaadhsiin, balse isku dayay inay xabad ku dhuftaan sida la sheegay.
Dhanka kale, Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxa dhacay qaraxyo miino oo laga fuliyay Isgoyska Maka al-mukarama ee Magaalada.
Ma cadda in wax xidhiidh ahi ka dhexeeyo xaaladahan amni daro ee ka dhacay Goboladda Koonfurta iyo weerarka Maxamed kaahin, foojignaanta amni ee Magaalada Hargeysa la geliyay, balse waxaan la ilaawi Karin inay somaliland ka mid tahay wadamada Geeska afrika ee ay Ururka Al-shabaab iyo kooxaha kale ee Nabad-gelyo darada ku foogani dhibaatooyinka ka geysan karaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com