Hargeysa(GNA)-Sarkaalkii ugu sareeyay Komishanka Doorashooyinka Qaran ee Degmada Ceerigaabo Maxamuud Cali Yuusuf (Shefay), ayaa ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa, kaasoo Maydkiisa laga helay qol uu ka degenaa Hudheel ku yaala Magaalada Hargeysa Maanta oo Isniin ah.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ilaa shalay ku jiray qolka oo uu ka soo bixi waayay, dabadeed maanta la jabiyay qolka uu degenaa, loogan tegay isagoo mayd ah “doraadbaa la sheegay inay cid ugu dambeysay dabadeed maanta ayuunbaa qolkii uu ku jiray la jabiyay oo dabadeed maydka loogu tegay” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay goob-joogeyaal.
Hudheelka Ninkani degenaa oo magaciisa lagu sheegay Capital hotel oo nooca hurdada ah ayaa la sheegay inuu degenaa mudo, waxaana la sheegay in maydkiisa lagu arkay nabaro yar yar oo dhabarka kaga yaala oo cusub, kuwaasoo shaki abuuray.
Maydka marxuumka ayaa la dhigay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaasoo lagu baadhayo si loo hubiyo in la dilay iyo inuu Bes u dhintay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha Bilaysku.
Dhinaca kale Ciidanka Bilayska ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen laba ka mid ah Shaqaalaha hudheelka uu degenaa marxuumku, kuwaasoo loo xidhay tuhuno la xidhiidha dhimashada Ninkan.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Bilayska oo la xidhiidha dhacdadan, balse saraakiil ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa sheegay in kiiskan baadhistiisu socoto oo aan wax natiijo ah wali laga gaadhin, isla markaana Maydka Marxuumku oolayo Cisbitaalka ilaa inta baadhistu dhamaanayso.
Hudheelada Magaalada Hargeysa ee ay dadka Musaafiriinta ahi seexdaan ayaa ka mid ah meelaha aanay dawladdu bilayska gaarka ah u sameynin si loo sugo nabad-gelayda dadka badan ee wada seexda, inkasta oo kuwa waaweyn ee Diblomaasiyiinta, Dadka maalqabeenada ah iyo kuwa siyaasiyiinta ahi degaan Ilaalo gaar ah leeyihiin.
Marxuumka dhintay ayaa la sheegay inuu Keligii degenaa qolka uu hurday, jirina cid kale oo ku wehelinaysay sida ay dad arrinta u dhuun daloolaa Gobanimo u xaqiijiyeen.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com