“Geella iyo Suugaanta Soomaalida + siyaabbaha loogu gashi baxo”
Geellu waa Meesiga ugu wanaagsan Xoolaha la dhaqdo, uguna horeeya, waxaanu ka mid yahay xoolaha nool ee lama huraanka ah.
Caalamka oo dhan Geella waxa la aamisanyahay inaanu jirin Nafle ka Muuqaal iyo munaafacaasi fiicani, inkasta oo Goboladda qaar lo’du kaalin mug leh ugu jirto dhaqashada iyo dheefsiga xoolaha Nool, sida wadamada Reer Galbeedka ama qaybo ka mid ah dalalka reer Yurub.
Laakiinse dhinaca Carabta marka la eego waa meelaha loogu dhaqashada badan yahay, khaasatan Sucuudiga, Suuriya iyo dalal kale oo Carabta ka mid ah.
Somalidu xiliyadii hore ilaa hada Geella waxay ka aaminsanyihiin Nimco illaahay ku manaystay oo Ninka Alle siiyo Gaajo iyo Guul daro ka dhiirtahay, waxaana xusid in Suugaanyahanada Somalidu in badan kaga hadleen Suugaanta, kuna amaaneen qiimaha Geella.
Dhinac kale, hadaynu ka eegno Berigii hore Gabadh lama siin jirin Ninka aan Geel lahayn, waxaanu ahaa Inan Gumeed aan Gashi bixi Karin, taasoo ku tusaysa qiimaha ay hashu leedahay.
Sidoo kale, waxa Geela lagu bixin jiray Yaradka, Magta iyo Xaalka.
Hadaba qormadan waxaynu intay inala gaadho ku qaadaa dhigaynaa Geella iyo qiimaha uu lahaa xiliyaddii hore iyo iminka halka uu ka joogo dhaqashada somalida.
Todobaadkan waxaan Booqday deegaamo ka mid ah Koonfur-galbeed Hargeysa, waxaanan halkaasi ku soo arkay oo aan waxoogaa yara’e fiir-fiirshay Geel yar oo ay laba Nin la joogaan, kaasoo daaqayay deegaan ku dhow Dooxa weyn ee Aburiin.
Waxa kale oo ay indhahaygu qabteen Geel, kale oo Aroor ah ay Gabadhi waddo iyo mid kale oo Nin waddo oo is-daba socda, dabadeed markaasay igu soo dhacday Kelmada ah “Galbeed Geelbaa ku hadhay” oo si lama filaan ah ugu soo dhacday maskaxdayda.
Dad badan baa aaminsan in la joogo xili uu Geel daaye Adhigu Gabaabsi joogo oo laga tegay dhaqashada xoolaha iyo dhaqankii loo Ilaalin jiray.
Kumaan sii hakan Geella aan la kulmay, balse muddo tobaneeyo Daqiiqo ah oo aan dhex joogay, waxaan dareemay Jawi kale, waxaanan xusuustay sheekooyin badan oo Geella ku saabsan , anigoo malahayga aaminay Reer Galbeedka, hada waa kuwa Deegaanada Somaliland iyo Reer Waqooyiga waa la xaqirayaa marka amaanta Geela lagu badiyo Hawd iyo Bullaale, ilaa Banka Lebi Hawle.
Laakiinse arrinta kale ee igu soo dhacday isla xiligaa wadadan aan ku sii jiray, markaan arkay Geel Gabadhi Aroorinayso, gabay uu tiriyay Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Aadan oo ka mid ahaa Suugaanyahanadii hore ee Reer Hargeysa, khaasatan deegaanka Xagal oo dhinaca Galbeed kaga beegan Hargeysa.
Abwaan Jaamac Aadan oo tiriyay Gabay ay ku jireen Tuducyadan soo socda, qarnigii 19-aad, ayaa ka xanaaqsan Raacista, Lisidda iyo dhex jooga xataa Dumarka ee Geella, waxaanu ku doodayay inay dumarka ka xaaraan tahay inay Geella soo dhex gaalan ama lisaan.
Waana run oo xiliyadii hore ama wakhtigii hore ee ay soomaalidu geela ciseyn jirtay, dhaqan ahaan dumarku shaqo kuma lahayn geela.
Waxaanu yidhi Abwaan Jaamac isagoo ka xanaaqsan Hal uu leeyahay oo Gabdho lisayeen ama Maalayeen hadba sida loo yaqaano, ka duugista Caanaha Geela
“Hashaan Wiilashayda u dabree Dacasku ii gooyay.
Dilalyada Habeenkii Hashaan dibadaha u seexday.
Inay Dumarku dhiidhiiyaan Deelka kuma hayne
Daran-doorigeedii maxaa Dahab Idiin geeyay”ayaa ka mid ahaa Gabaygaasi oo dheeraa balse anigu intaas aan ka xusuustay.
Aanse iska Ilaabo dharaartaas dhaweyde, Abwaaniinta Soomaalida qaarkood ayaa Geella Tusaaleyaal badan ka bixiyay, iyagoo ku cabiraya hab-suugaaneed Qaniimad iyo sharaxaad badan xambaarsan.
Maxamed Cabdulle Cali "Gammuute" oo sida Taariikhyahanadu sheegeen noolaa sanadihihii 1880-1940, wuxuu ahaa Ninkii alfey Gabay lagu tilmaamay kii ugu wanaagsanaa ee Geella loo tiriyo.
Waxa uu ku noolaa Koonfurta Gobolka Togdheer xiliyadda qaar, gaar ahaan hadaan xiligan casriga ah sawirno deegaanada ku xeeran Degmada Bali-dhiig oo Gobol ahaan hoostagta Buuhoodle.
Bulsho ahaana waynu isla garanaynaa cida uu ka soo jeeday waa Reer Bali-dhiig.
Gabyaa Gamuute oo ay Salaan Carrabey isku casri ahaayeen wuxu muddo badan ku noolaa carro Ogaadeen.Waa horraantii qarnigii tegey waxana carrada ciid iyo Hawd ka aloosnayd colaad inta badan u dhaxaysey Bulshada Xoolo dhaqatada ah oo deegaan deegaan isu dili jiray.
Maxamed Cabdulle Cali oo sidaan xusnay Taariikhda inta la xasuusto ahaa Hal-abuurkii Geel Amaanka badnaa, Ragga suugaanta ku xeeldheerina Gabay uu tiriyay ku tilmaamaan inuu yahay gabay geel loo marsho kii ugu qiimaha badnaa, waxa uu ahaa Nin Geel dhaqato ah.
Hadaba xili Abaar xuni dhacday ayaa Gammute geelii u dhaadhiciyey Guban iyo dhul aanu weligiis arag, dabadeed Nin ay walaala ahaayeen oo Cabdi la odhan jirey ayaa ku yidhi "War geeli aan hawad qabadsiino Gaadlayaal baa roobku soo joogaaye".
Abwaanku markaa hadalkaa lagu leeyahay wuxuu ka fekerayaa inuu Gaalaba faraha ka qaado oo uu ku bedesho Mesi xoolaad oo kale ama mood lacageed, waxaanu leeyahay waar Hawd-kaaba dhacye anigu waxaan doonayaa inaan xaraasho.
Taariikh qoreyaashi waxa kale oo ay leeyihiin Gammuute oo geel dhaqashadiis ka niyad jabay ka dib markii dhibaatooyin badan uu kala kulmay ee Gaaladdu gelelefeen goor walba oo qabto ayuu marshey tixdan:-
Cabdiyoow gugayguna ma yara guunna waan ahaye
Hadaad talada igu gawdhiseen hayska geedido'e
Dadkoo gama'san gaadh Faranje iyo galawga moyaane
Bal garwaaqso xalay baan guntaday galin dhexadkiiye
Gooraan ninkii dhaqayba waw guul daro iyo ciile
Haddaan Guulle ii soo kaxayn Guban ma taageene
Gabangoobbi guri xaalfa iyo Gol uma daayeene
Waakaa guduudkii ka ba'ay goobadii shuqule.
Gadhfeedh iyo Madheedhkii Dannod Gawlalliyo Caado
Gaaraabidhaanle iyo intaa godod u sii jeeda
Halka Yicibta laga soo guriyo Gubadki Qaansoole
Gorgor iyo Garboole oo degmadu geedi ku ahaatay
Wax dheexaad diraac gamashigeed geediyaal raraye
Gabri iyo intaan Tuur-Wareen guudka uga meersho
Gadaal baan ku soo furi lahaa goosay meel badane
Garwaanlaana waw daban lahaa Good anoo wada'e
Dhaaxaan Diraac gamashigeed geeddiyaal raraye
Gartallawga waataan wax badan daba galluubnaaye
Sidii Gorayadii Riinji iyo Garane daaqaysay
Waataaan biyaha uga go’ay ee geeri lay filaye
Markuu kabaha gaadhkooda sare guudka ka idlaaday
Gondahayga Jiiq iyo ka guray Gocondho shaydaane
Kolkay Ayda soo wada gashee gobolba meel aaday.
Goonyaha isaga soo duwoo geed bidhaansadaye
Casarkii intaan godin la kacay gaaf u soo dhigaye
Gabbalka iyo fiidkii markuu Gabanku soo dhaafo
Ee xerada lagu soo genbiyey gaabiskii tebaye
Ganto baas la soo roorayoo guura-baaba'aye
Hadba gegi Cidla joogsadoo guux dhegeysadaye
Meeshaan gadiidkii ka rogey soo garwaaqsadaye
Habeenkaa sidii Cawl la ganay gooxa yuururaye
Markuu waagu ii galalax yidhi goosankii helaye
Anoo gaajo weyn qaba u imi kaan ka soo gudaye
Gabnada iyo candhoolaha nirgaa lagu gunnaynaayo
Intaan fidhinfidhlaha soo gogladay gaar u fuuqsadaye
Dabadeed Ganuun buuxa iyo Gaawe raacsadaye
Gartuubtiyo Caleentiyo markuu Gawdhadhka idlaysto
Gadaal buu ku oomee markuu golongolee dhuubto
Gadhtallawga maantay Nugaal Garawo soo aaddo
Iyada oo Harraad gubey ninkii Guuliyaan ahaye
Garanuug aan toogtiyo ri' aan galin dhan hiigaayay
Gog halaad intaan u xidhay goof ku soo degaye
Gunta Caynabo laysaku xidhay galay salaadiiye
Hadba gacan ka daray uumiyuhu ways gerbinayaaye
Qoraxdoo gabaabsiya anigoo guraya lay yeedhye
Gaban-goobbidii iyo la tu'i gegidi hiireede
Gayaxay ahayd meesha iyo gelin horaadkii'e
Gaawaha markii lala galee godolna loo taagey
Ay Gorofka sida reer la miray geba-gebaynaysey
Afartii gudboonaa markii lagu garaacaayey
Gabno looma yeedhyeedho iyo Ganya dhega-weyne
Marqihii guduudnaa haddii goodir laga buuxsho
Gurboodkiyo nin gaajaysan iyo gacalka mooyaane
Aniga iyo ninkii ila gudboon waa ka garanuuge
Afkaygana ma gelin meesha iyo garashadaydiiye
Markaasaa gadaalkana durduur lagu garaacaaye?
Sida Gaadhi boosh lagu guroo galab carraabaaya
Gug bay soo tidhaahdaa waddada qoobka gelisaaye
Habeenkaa guryaha Baalidhaye inay gashaa weeye
Goblamahakan tuug iyo Dhurwaa gaadayaa jira'e
Dhaaxay intay daba galeen gurada jeexeene
Gami'i mayno ee waa inaan gaadh ka qabanaaye
Rag gadaaman baa labada fiid goonyahaw baxa'e
Goonbiyado iyo bay sitaan gaabanow Sumuc'e
Guduudkay istaagtaa sidii gaal ugaadhsiyahe
Aniguna geddeedaan bartiyo caynka loo galo'e
Markaan oodda gees uga duway gudub u jiidhaaye
Subaxaa ninkii garanayoow gadantay Mayliige.
Waa inay Gurracan sii martaa gobabki dheeraaye
Maantaa waxay geleleftaa gudihi Dhoomoode
Gobka Heelmaraalay ka bixi gaafki dhererraaye
Galgal iyo miduun baa la geyn gumaci Tuur-Uuse
Geedmadowga iyo Seerigaa Goodir loo dhigiye
Halkaasay kalkii soo galaba dibuga gooshtaaye
Garab-weynta iyo Rimayda iyo Goodirkiyo Qaanka
Gaaleemaduu xooray buu gugu Hillaacaaye
Oo gaadda weynoow Ratigu gii'da ka hayaaye
Nin waliba sidii uu u galay gumaradeed tuugye
Col gingiman gurgurin laysu guray talo la gawdiidshey
Guntiga iyo Feedhaha ku xidhay Gumuc Rasaaseede
Gabgabbiga habeenkaa dhul dhexe Gawre nagu laaye
Ilaalada horeetaba gurnay iyo wiilashaan garanne
Wax la sii gucleeyaba la arag reero goonniyahe
Gaashaanka noo ride intay gacanta muujeene
Gudguduudka waaberi dagaal lagu galaydh-xoorye
Gardarrada raggii loola tegey Gamaska loo qaadye
Ka gug-siinnay meel lagu go'ay Goojo dheertahaye
Wax la sii garaacaba markaan gelin dhan qaadayney
Gaydhooy raggii maali jirey Guruxa soo saarye
Gungunnaaga uga leexanniyo Geel-ilaashaha'e
Maadhiin gariiraaya oo gur isu dhaafaaya
Giiryaale miihiye naftaba geed ku soo xidhaye
Geerida ilaahbaa hayee Gaaddankaw hadhaye
Ka gaddoome Guutaa waddiyo Gaaski loo wacaye
Gebagebaha loo dhigay halkay goray ka yuusaysey
Iyadaan Xabbaadhiiba go'in gool ka dhuun jaraye
Ka gig-beelnay Darib laysu guray gudurka mooyaane
Adiguba garaad waw lahayd goobahaan dhigaye
Gubniyaal Sarkaal iyo haddii Goondharku u fuulo
Geyi lagu beriiyaa ma jiro Gobiyo Heemaale
Waa kaa ka soo guray halkay goray ku sheellayde
Sida Mawdka loo go'o dhulkuu gelelefaayaaye
Guudaan ha laayo'e ka tegey gacaladiisiiye
Gurya caydhi waa badanyihiin gees la eegaba'e
Nimankii Ogaadeen u galay gaankii Habar Yoonis
Gaadiidna nimanbaan ka raran gaar u hayn jiraye
Dhaaxay sidii goonni-daaq gubadka daajeene
Gashi ay qabeen iyo ma jirin goddob ay hooyeene
Nimanbaa ganteeyaye iyaba Gaanle ma ahayne
Garaad Faarax laba goonjibay guluf ku dhaafsheene
Gadhmadowda Reer Gorod Xirsiyo Galacba waa caydhe
Waayadan ganuun looma shubin malahay Gaandaa'e
Gartii weeye Cali Dhuux inuu gama'a diidaaye
Gaajiyo Haraad bay badeen gabannadiisiiye
Godbardaale iyo maalintay Gaabo ololaysay
Hadaba waxan ka galiilyoonayaa gadhadhacdeediiye
Galaasyaaba lagu malayaa Gaawihii dhigaye
Niman aan af garanayninbaa goonjigii cunaye
Guntiin lacaga, gaandaha lo'aad ginigi Nairobi
Gasab kale inaan dhaafsaday gocatay laabtiiye
Maxaa Gaadlayaal iiga dana waaba gadayaaye.
Dhaqan-maal
Diyaariye Saleban Cabdi Cali Kalshaale